Mareykanka oo dilay hogaamiye sare oo katirsan Al Qaacida

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay in ciidanka Mareykanka ay dileen hogaamiyaha Al Qaacida ee gacanka Carbeed.

Aqalka cad ee Mareykanka ayaa sheegay in Qasim al-Raymi, oo kooxdaas hogaaminayay tan iyo sanadkii 2015-ka lagu dilay hawlgal uu Mareykanka ka fuliyay gudaha dalka Yemen.

Ninkan la dilay ayaa lala xiriiriyay weeraro dhowr ah oo lagu qaaday danaha dalalka reer galbeedka labaatankii sano ee lasoo dhaafay.

Waxaa uu xilka hogaaminta kooxda kala wareegay ninkii isaga ka horeeyay ee ay Mareykanka sido kale ku dileen duqeyn dhanka cirka ah.

Kooxdan ayaa la asaasay sanadkii 2009, waxaana ujeedkoodu ugu weyn ay ku sheegeen sidii ay uga hortagi lahaayeen danaha Mareykanka iyo dalalka reer galbeed ee gobolka.

Getty Images

Ururka ayaa saameyn badan ku lahaa dalka Yemen, waxaana uu ka faaideystay xasilooni darrida ka taagan dalkaas, taas oo saameysay dalal badan.

Wararka ku saabsan in Mareykanka uu dilay hogaamiyaha Al Qaacida ee Yemen ayaa soo shaac baxday bishii Janaayo, haseyeeshee kooxda ayaa soo duubtay cod u muuqday in la duubay xilli hore.

Qoraalka kasoo baxay aqalka cad ee Mareykanka waxaa lagu xaqiijiyay dhimashada al-Raymi’s, balse lama sheegin xilliga la dilay.

“Dhimashadiisa waxaa ay sii kala daadineysaa Al Qaacidada gacanka Carbeed iyo dhaqdhaqaaqa kooxda ee caalamka, waxaana ay inoo suurtagalineysaa in aynu ka takhalusno khatarta ay kooxdaas ku heyso nabadgelyada caalamka,” ayaa lagu yiri qoraalkii kasoo baxay aqalka cad.

Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in dhimashada hogaamiyaha kadib, danaha Mareykanka ee gobolka uu badqabo.

Xigasho:BBCSomali