XOG CUSUB: hoos u dhac aan caadi ahayn oo markii ugu horeysay ku socda ganacsiga Soomaaliya

Labadii sano ee ugu dambeysay ganacsiga dalka Soomaaliya waxaa ku yimid hoos u dhac aad u weyn tan, taasi oo ka duwan isbedelladii horay loogu arki jiray ganacsiga qeybihiisa kala duwan, iyadoo arrintaasi loo aaneynayo kororka ku yimid shirkadaha loo yaqaano (FOREX) ee ka shaqeeya sarifka lacagaha caalamka isla markaana khalkhal geliyay bankiyada Dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Shirkadahan cusub oo muddo laba sano gudahood dalka ka howlgelayay ayaa gacanta ku dhigay dhaqaale fara badan, kaddib markii malaayiin Soomaali ah oo ku nool dalka gudihiisa iyo dibadiisa dhaqaalahooda u wareejiyeen si ay u helaan lacagaha faraha badan ee ay u helayaan dulsaar ahaanta.

Waa maxay shirkadaha FOREX Soomaaliya?

Xogaha aanu ka ururinay Shirkadaha FOREX ee ka ganacsada sarifka lacagaha caalamka oo ku cusub dalka Somaaliya ayaa sheegeysa in xarunteeda ugu weyn ku taalo magaalada Muqdisho, waxaana laga maamulaa dalka Hindiya oo khubarro dalkeeda ka socda ay ka howlgalaan xaruntaasi, kuwaasi oo saami ku leh dhaqaalaha ka soo xarooda ganacsiga FOREX.

Adeegga shirkadaha FOREX oo inta badan loo isticmaalo qaab Online Internet sida borogramyo u gaar ah sarifka lacagaha caalamka oo ay ugu horeeyaan Dollarka, Euro, Boun-ka Ingiriiska iyo wadamada kale ee horay u maray isla markaana daqiiqad kasta kula socaneyso heerarka sarifka lacagaha, iyadoo shirkadaha ku xiran shabakadaha caalamiga ah ee ka ganacsada howshaasi ay ka faa’iideystaan sabbeynta lacagahaasi oo marna kor u kacaya marna hoos u dhac ku imaanaya.

Warar hoose ayaa sheegaya in la soo afjaray khilaaf u dhaxeeyay maamulka sare ee shirkadda FOREX iyo Dowladda federaalka Soomaaliya oo ku saabsanaa howsha shirkadaasi ka waddo dalka, bacdamaa Baniga dhexe mas’uuliyiin u hadlay ay sheegeen in cabasho uga timid muwaadiniinta dhaqaalahooda gelinaya shirkadahaasi.

Xarumo dhowr ah oo shirkadaha FOREX ku lahaayeen magaalada Muqdisho isla markaana horay ciidamada Dowladda ay albaabada u laabeen ayaa dib loo furay, iyadoo ay sii kordhayaan shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ka ganacsada sarifka lacagaha caalamka iyo dadka maalgashiga ku sameynaya si ay u helaan faa’iidooyin lagu qiyaasay in ka badan 30% lacagta ay markoodi hore dhigteen.

Qaabka ay u shaqeeyaan shirkadaha FOREX

Qiimaha dulsaarka ah ee uu helayo qofka dhigta lacag dhan $1,000 (Kun Dollar) shirkadaha FOREX wuxuu bishii helayaa $300 (Saddex boqol Dollar) wayna u socaneysaa ilaa uu ka isticmaalo qiimo la’eg lacagtii uu dhigtay, taasi oo u muuqata inuu sare u kac ku imaanayo.

Qof kasta oo lacag dhiganeysa Shirkadaha ka shaqeeya suuqa caalamiga ah ee sarifka lacagaha waxaa laga qaadaa lacag diiwaan gelin ah oo cadadkeedu gaarayo $300 (Saddex boqol Dollar), iyadoo sidoo kale saami ku leh faa’iidada laga helay lacagtii ay horay u bixisay.

AKHRISO WARAR KALE OO XIISO LEH

Ganacsiga lacagaha caalamka Foreign Exchange (FOREX)  ee iminka laga hirgeliyay dalka Soomaaliya ayaa labadii sano ee ugu dambeysay gilgilay dhaqaalaha dalka, kaasi oo sababay inuu saameyn ku yeesho ganacsiga qeybihiisa kala duwan sida waxsoosaarka kheyraadka dalka iyo maciishada dalka dibadiisa ka timaada.

Saamileyda shirkadaha FOREX ayaa sii kordhaya, iyadoo haatan ay ku biirayaan ganacsatada waaweyn ee Soomaaliyeed oo iminka dhaqaalahooda gelinaya shirkadahaasi si ay u helaan faa’iido ka badan intii ay ka heli jireen ganacsigoodii hore kaasi isla markaana aad uga badan dhaqaalihii muddo hal sano ah soo geli jiray.

Akoonada Bankiyada Bremier, Salaama, IBS, Dahabshiil iyo kuwo kale ayaa waxaa hoos u dhac weyn ku yimid lacagihii ku jiray, kaddib markii kumanaan qof oo ka mid ah macaamiishooda u wareegeen shirkadaha FOREX, waxayna bilaabeen bankiyadaasi inay kordhiyaan lacagaha dulsaarka ah ee uu helayo qofka macaamilkooda ah taasi oo weli ka yar dulsaarka shirkadahan cusub bixiyaan.

Sarifka lacagaha Dollarka ku yeeshay isticmaalka Shilinka Soomaaliga

Dalka Soomaaliya oo ka soo kabanaya burburkii gaaray mudada 30-ka sano ah, meelaha uu saameeyay waxaa ka mid ah inay meesha ka baxdo isticmaalka lacagta noodka ah sida Kumi, Taano, Nus, Shilin, 5-Shilin, 10-Shilin, 100 Shilin, 50-Shilin iyo 20-Shilin, waxaana haatan laga isticmaalaa noodka 1000 Shilin Soomaali ah kaasi oo ay isticmaalaan ganacsatada yaryar, dadka xoogsatada ah iyo kuwa dhaqaalahoodu hooseeyo.

Xukuumadihii dalka soo maray, gaar ahaan saddexdii dowladood ee ugu dambeeyay mid kastaaba wuxuu xilligu ka dhacay iyadoo aan fulin mid ka mid ah ballanqaadyadeeda ugu muhiimsanaa oo ay ka mid tahay soo celinta isticmaalka noodka lacagta dalku lahaa, iyadoo aan meel laga soo qaadin qaraar Baarlamaanka hadda jira ku ansixiyay in lacag cusub dalka loo sameeyo.

Dowladda Federaalka oo horay u soo bandhigtay noodad lacag cusub ah ayaa hakad la geliyay kaddib markii la isku khilaafay daabacaadda noodadka lacagta oo ku cusub dalka taasi oo cadadkeedu ka bilaabanayo 10-Kun, 20-Kun iyo 5-Kun Shilin Soomaali ah, iyadoo Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Beyle horay u sheegay inaan weli la helin dhaqaalihii ku baxayay daabacaadda lacag cusub oo uu dalku yeesho.

Si kastaba ha ahaatee shirkadaha isgaarsiinta ee ka howlgala Soomaaliya ayaa ka faa’iideystay habaca dowladda federaalka ka heysta inay daabacdo lacagtii uu dalku lahaa, iyagoona dalka ku soo kordhiyay lacagaha taleefanka la isaga diro sida EVC Pulse oo shirkadda Hormuud leedahay iyo E-Dahab oo shirkadda Dahabshiil bixiso.

Dhinaca kale shacabka Soomaaliyeed oo intooda badan isticmaala lacagaha taleefanka la isaga diro kuwaasi oo ah noodka Dollarka Mareykanka ah ayaan weli ka bixin baahida ay u qabaan inay helaan noodka Shilin Soomaaliga kaasi oo gebi ahaanba saameyn ku yeeshay ganacsiga dalka iyo qiimo dhac ku yimid lacagtii uu dalku lahaa ee astaanta u ahayd qaranimada dal leh dowlad iyo nidaam u gaar ah.

Ugu dambeyntii culumaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa gebi ahaanba isku raacay in shareecada Islaamka aanu waafaqsaneyn macaashka laga helo dhaqaalaha ay bixiyaan shirkadaha FOREX oo iyadu dhaaftay xadkii macquulka ahaa ee hore, iyo kuwa taleefanada la isaga diro ee ay bixiyaan shirkadaha isgaarsiinta dalka.

Waxaa Diyaariyay:
Jabriil Max’ud Nuur (Jabra)
Email: saxafi37@hotmail.com