War DEG-DEG: Wasiir Janan oo gaaray Degmada Beled-xaawo, lana hadlaya saxaafadda.

Wasiirka Amniga Dowlad goboleedka Jubbaland mudane Cabdirashiid Xasan Cabdinuur ayaa hadda gaarey degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo.

Maamulka iyo bulshada Baladxaawo ayaa wasiirka si diiran ugu soo dhaweeyey halkaas waxaana dhawaan la filayaa inuu lahadlo warbaahinta kana warbixiyo afduubkii sharci darrada ahaa ee shantii bilood ee lasoo dhaafey Xamar loogu haystey ilaaheyna kasoo badbaadiyey.

Dhanka kale Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dalbatay in loo soo gacan geliyo Wasiir Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan)