Dani oo danihiisa siyaasadeed ee kala dhaxeeya Federaalka u isticmaalaaya mustaqbalka ardayda Puntland

Waxaa lawada ogsoon yahay in dalka soomaaliyeed, wixii ka horeeyay 1991 oo aynu ahayn dawlad, uu ilma kastaa oo soomaaliyeed xaq u lahaa in lageeyo oo uu helo tacliinta aas aasiga ah oo bilaash ah. ardayda soomaaliyeed waxay tacliinta iyo iskoolada ku heli jireen si lacag la aan ah,waxayna daryeelka daaweynta ku heli jireen si lacag la aan ah isbitaalada dalka. waa lidiintu wax lacag ah lagama qaadi jirin caruurta waxbarashadooda ilaa heer jamaacadeed iyo daaweyntooda.
Ardayda jaamacada waxaa u dheeraa in lasiiyo guri ama hooy uu seexdo oo qalabkii u dhan yahay,sida sariir, aramaajo ama kabadh uu dharka ku gurto iyo alaabadiisa,miis akhris iyo nalkii akhriska, musqul. waxaa intaa u dheer qureec,qado iyo casho waxaas oo dhami waxay ahaayeen lacag la aan waalidkuna mabixin jirin hal shilin ama hal doolar.Arday kastaa wuxuu heli jiray in la qoro iskool waxbarashada khasabka ah isagoo xor ah wax laga rabaana jirin. 100% waalidkastaa wuxuu heli jiray in caruurtiisu helaan waxbarasho bilaash ah.
Markaynu nasiib daro iska burburinay dawlad nimadeenii,oo dalkeenu galay MAQNAANSHO DAWLADEED 1991 dii wixii ka danbeeyay, waxaynu luminay wax kastoo adeeg ahaa oo dawladu qaban jirtay,haday tahay amaan,haday tahay,waxbarasho,haday tahay hormar,diin,dadnimo, dhaqan,kaaraamo qofeed,sharaf soomaalinimo,qiimayn dad iyo dal soomaaliyeed waxaas oo dhan waan luminay.
Dalkii waxaa ka dhismay,Maamulo qabaaiil ku dhisan oo yar yar. waxkastaana waxay noqdeen lacag sidaa daraadeed waxbarashadii dalku waxay noqotay mid niman dilaaliin ah,iyo qawlaysato dhiig miirad ah gacanta ugashay ileen dawladi majirtee,waa sida ganaacsiga soomaaliya ay u haystaan shirkado maafiya ah oo shisheeye u ah dilaal shisheeyahaas oo qaata inta badan dhaqaalaha soomaaliya iyagoo adeegsanaaya wakiil soomaali ah sida albarakaad iyo dahab shiil oo kale. dad soomaaliyeed ayaa u yaqaan ganaacsato lacag leh dibayse ka ogaan doonaan-
Somaaliland iyo Puntlanad oo u horeeyay maamulada qabiilaysan ee dhismay oo ku kooban deegaan gaar ah, waxay dhisan yihiin mudo nus qarni ah ilaa maantana majiro wax kalaba daayoo hal iskool oo ay maal galiyeen oo lacag la aan ah oo lagu dhigo afkii soomaaliga iyo man hajkii aynu lahayn ee tacliinta soomaaliyeed. Halkaliya hada waa hal iskool mudadaas sidaa u dheer ninkii soo helaa hanoo sheego waa majiro.
Waxaa jira manaahiij shisheeye,sida kenya iyo ethiopia,carabaha oo dhan,maraykan,yurub oo dhan, laga keenay oo iswada khilaafsan oo aan isla jaan qaadi karin.Tani waxay keentay in ardayda soomaaliyeed qaab tacliimeedka ay qaateen is khilaafsan yahay oo u keenay isfahan waa dhexdooda ah oo ka imanaaya nidaamka manhaj ee ay kala wataan. waxaa intaa dheer waxaa dhigta ardayda soomaaliyeed tiro aad u yar oo 80% caruurta soomaaliyeed ma helaan waxbarashada aas aasiga ah iska daa jaamacad ee. waayo waa lacag, ufiirso qoysaska soomaaliyeed qiyaas ahaan celcelis waxay ubadan yihiin 4-8 caruur ah in ay leeyihiin ma awoodaan in ay kabixiyaan hal ama laba wax kabadan waxbarashada qaarna mid xataa kama bixin karaan lacag bilwalba mana jiro iskool lacag la aan ah.
Raga haysta maamulada caruurtoodu dibaday wax uga bartaan oo waxay geeysteen jaamacadaha aduunka uugu qaalisan,dana kamalaha caruurta kale waliba waxay kasoo horjeedaan in ay waxbartaan oo waaba arinkale oo yaableh. in shacabku helo dawladnimo dalka ahanata way kasoo horjeedaan maxaayeelay haday haystaan dantooda gaarka ah waxayna meesha u joogaan in ay dadka dulaystaan dalku sidaa sii ahaado iyaga iyo caruurtooduna ka dhargaan doolar iyo lacag oo ku noolaadaan dhiiga shacabka soomaaliyeed. Maamul Qabiileedku shacab kuu guumaystaa waana cadaw kasoo horjeeda dawlad soomaaliyeed marka laga reeba maamul goboleedyada diyaarka u ah in ay dalkooda dhisaan xoojiyaana dawlada dhexe ee fadaraalka oo ay la shaqeeyaan amarkana qaataan.
MADAXWEYNE DANI
Waxa uu kasoo horjeedaa ardayda puntland ee waxbaranaysa,uumana ogola ardaydii uu waxba u qaban waayay ee waalidkood lacagtooda wax ku bareen in ay ku dhaqmaan oo lamid noqdaan ardayda dalkooda soomaaliya oo la manhajnoqdaan. waayo waxaa diidaaya shisheeyaha wax kale iskoolada gaarka looleeyahay iyo dilaaleeyda,waxaana wax laga siiyaa Dani lacagaha kasoo xerooda iskooladaas gaarka loo leeyahay,oo malaayiin ah qaarna isagaaba wax kale oo hore uugu soo shaqaysan jiray. waa nasiib daro in uu hor istaago mustaqbalkii caruurta soomaaliyeed oo uu diido nidaamka dawliga ah ee fadaraalka ah ee dawlada dhexe soo dajisay ileen dalku waxa uu leeyahay nidaam iyo siyaasad waxbarasho oo ah hal manhaj oo isku mid ah kuna salaysan danaha soomaaliyeed.
Dani waxa uu u isticmaalayaa ardayda Puntland,ileen caruur uu dhalay kuma jirtee danaha siyaasadeed iyo cadaawada uu uqabo dawlada fadaraalka ah. waxa uuna qayb ka yahay  boqolka malyan ee E-maaradku u diyaariyay doorashada 2021 ka dhacaysa soomaaliya,maadaama dalalka carbeed diidan yihiin in lasoo saaro shiidaalka soomaaliya.
SHacabka somaliland iyo kuwa Puntland waa dad maskaxda laga dhaqay oo caqligooda iyo dantooda iyo diintooda laguumaystey oo ay gumaysteen kuwo wakiilo u ah cadaw shisheeye kuwo kukala qaybiya iyaga qabiil iyo jifo jifo,si ay danooda gaarka u fushadaan waana u dawladeeyaan xagee dawladnimadu joogtaa? shacabku mahaystaan dawlad mana u hayaan ubadkooda mustaqbal waxaana ku danaysta oo ka hortaagan dawladnimadii kuwan u dawladaynaaya ee isaga dhigaaya in ay yihiin madaxweynayaal iyo dawlad yaabka la arkay!!
Shacabku waa in uu baraarugaa dantoodana gartaan oo iska horqaadaan cadawgan manaxa ah ee hortaagan mustaqbalka ubadkooda ee u dawladeeynaaya. waa in dalkeenu yeeshaa haba xumaatee dawlad dhexe oo dalkoo dhan hanata wixii intaa kayar ama ka hooseeya oo ah qabiil qabiil u dawladeeynaaya waa xaaran iyo waxaan dan inoo ahayn oo aan la aqbali karayn,qof walbaa waxa uu qiimo ku leeyahay dawlad dhexe oo aysan cidina wakiil uuga ahayn,sidee dawladayda la ii dilaalaa oo wakiil laygaga noqdaa yaa iga xiga? sawdawlada dhexe ee soomaaliyeed ee fadaraalka ah qofkastoo soomaaliyeed malaha waa haa hadaba looma baahna dilaal.
shacabka Puntland waa ceeb iyo caqli aad u hooseeya in laydinkareebo manhajka waxbarasho ee soomaaliya sababtoo ah dano gaara oo uu leeyahay DANI. sababtoo ah DANI iyo dawlada fadaraalka iskuma fiicna laakiin haday isku fiicnaadaan caruurtiina waa loo ogolaan markaa. waxaa lagu qamaaraayo ee Dani dulmaayo waa ubadkiinii uun.
Markuu manhajka hadlaayo oo diidaayo muxuu u qabtay caruurta puntland oo iskoola ah oo hormar tacliimeed ah majirto balse waaba la dagaalamayaa siday wax ubarteen yaabka la arkay. cadaw ka weyn Dani Puntland masoomarin taariikhda abid.
Dadka soomaaliyeed laguma jiro xiligii ay danayste u afduubnaan lahaayeen hada waa dawlad hana raaceen dawladooda waxa kale oo dhan waa wixii ina soo daashaday nus qarni loomana baahna halaga baxo haloo dareero dawladnimada ninkii ka horyimaadana barqo cad hala jiido maydikiisa. waa in gacan loola tagaa ninkastoo inoo diida dawladnimada oo hor istaaga,waana in la tirtiraa cadawgaas soomaali halkaa dhigay ee hortaagan. waalidku ha istaageen xuquuqda dalkooda hana difaacdeen dawladnimadooda.
Wasiir goodax sharciga fadaraalka ayuu fulinayaa ee dawladnimada soomaaliyeed waana geesi wadani ah xaqna ku taagan. Goodax waa nin wasaaradiisa umadax banaan halka Puntland wasiiradu aysan waxba ahayn ee uu meelwalba taagan yahay shaqadoodana isagu maamuusho DANI mana jiro hal wasiir oo shaqadiisa u madax banaan sida dawlada fadaraalka ee dhexe.Wasiir goodax waxa uu leeyahay aan sharciga ku dhaqano dalkeenuna waxa uu lee yahay halmanhaj oo mid ah hala raaco waa intaa cidii diidaa waa cadaw iska celin weeye xaqu oo kaliya. Ninkaleh soomaali lama noqonaayo manhaj ha aado dawladaha uu rabo in uu manhajkooda qaato dalkaan dawlad soomaaliyeed baa ka talinaysa dalkana soomaali baaleh manhajka soomaali baa leh. lama joogo xiligii ehelu naarka isha laga daawanaayay waa layska celin mana aqbali karayno cid ka hortimaada danta dadka iyo dalka iyo dawladnimada soomaaliyeed,mana aha mid gorgortan gali karta sidii hore tacliinta iyo manhajka dalku.  ma qarinayno cidii naga hortimaada cagtaan marinaynaa oo ah dawladiid,soomaali diid,dal diid,diin diid,shabaab iyo shabaab kalkaal.
sideen u aqbali karaa dawlad la aan dalkeena in kabadan 30 sanadood? yeeli mayno,qabiilkii iyo shaqsigii iyo kooxdii soomaali hor istaagta ee dawlada ka hortimaada waa tirtiraynaa hal qof ka reebi mayno waa axdi aanu illaahay hortii ku qaadnay. wixii ka hor yimaad dawlada in la laayaa danta soomaaliyeed ayaa ku jirta dagaalkuna waa dawlad marabo sidan ayaa dan uu ah dawlad la aanta ah iyo dawladnimo ayaan rabnaa dadkoo dhan dan u ah.
Diinteenu waa inoo banaysay in aaan cagta marino ninkastoo dawladnimadeena ka horyimaad iyo maslaxada guud ee dadkeena dalkeena iyo diinteena hadaynu nahay soomaali. ma daawan karo dadkeena badaha ku lee aanaaya,ma daawan karo dadkeena dibadaha diintoodii looga badalay markay dalkeena nabad iyo dawladnimo ku waayeen,ma daawan karo dadkeenii oo qabiil qabiil madaxa laysugu galiyay oo laga hortaagan yahay dawladnimo,ma daawan karo mustaqbal xumada caruurta soomaaliyeed,waa u dhimanaynaa dalkeena nin dawlad diidi karaana majiro haduu soo baxana waa la dilayaa. ma nihin kuwo hees ku raadinaaya dawladnimada mana nihin kuwo u jooga soomaaliya lacag aruursi sidii xunkuu xumaayo xasan sheekh.
shacabka Puntalnd hayska qabteen si dhaqso leh Dilaal Dani,caqabadna ku ah somaaliya oo hesha dawlad xoog leh oo dalka hanata. haduuba keenay in caruurtiinii aad lacagtiina wax kusoo barteen in uu cuno oo damkasiiyo. maxaa idiin haray oo aad ka sugtaanba!!. xaqmaha in dawlada dhexe deeqaha waxbarasho iyo dhaqaalaha noogu dhiibto hororkaa Dani oo siiya deeqda waxbarasho jifadiisa iyo cid uu lacag ka qaato oo kaliya,lacagaha deeq lagu siiyo Puntland iyo tan dawlada dhexe intaba jeebkuu ku shubtaa isaga iyo inta tuugta ah ee la shaqaysata. dalkaani dawlad buu u baahan yahay looma baahna dilaaleey u dhaxaysa shacabka iyo dawlada
 
Dani ma doonaayo,in imtixaanka PUNTLAND gacantooda ka baxo,maxaayeelay waxaa sinaan helaaya haday dawlada fadraalka ee dhexe meesha soo gasho,ardayda Puntland dhexdooda,maxaayeelay intay Puntalnd jirtay waxaa deeqaha waxbarashada heli jiray oo ay u diri jireen, xooga rer khaatumo ah iyo maakhir maadaama ay cod ka helaan,wixii kasoo hara jifadooda ayaa isku gaar yeelay. waana eex iyo qaraabo kiil heerkii u xumaa soomaali dhexdeeda. hadanay waxay diidayaan in cadaalad iyo imtixaan lagu kala baxo maadaama ay caruurtooda iska siiyaan shahaado been abuur ah oo layska baasiyay imtixaankii. waa khasaaro xataa caruurtoodii ayay khiyaamayaan oo been u qorayaan wayna dhacday markii lagalay jaamacadihii dibada kuligood waa laga cayriyay,waana wada tahriibeen wax laga dheefay malaha.
 
foolxumadaa ayaa cabdiwali gaas iyo faroole iyo dani isku raacsan yihiin in jifadooda laga dhigo Puntland. hada waxaa yaab leh in ay mustaqbalkii ardayda soomaaliyeed fidno cad galiyaan oo soomaali u diidaan in jiilashooda soo kacayaa midoobaan oo ahaadaan walaaalo soomaaliyeed. waxay diideen in ardayda Mogdisho iyo gobolada dalka soomaaliyeed sinaadaan yaabka la arkay!!
Yusuf Omar
mashruuc5@hotmail.com