Weerar lagu Qaaday Ciidamo la Socday Guddoomiyaha Degmada Qoryooley ee G/Sh/Hoose.

Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Goordhow deegaan ka tirsan Gobolkaas lagu weeraray Kolonyo uu la socday Guddoomiyaha Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Weerarka oo ahaa mid dhabo-gal ah ayaa Guddoomiyaha iyo Kolonyada uu la socday waxaa uu ku qabsaday xili ay marayeen deegaan lagu Magacaabo Danow, iyagoo ka yimid dhanka Magaalada Marka kuna sii jeeday Degmada qoryooley.

Rag hubeysan oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Al-shabaab ayaa la sheegay in weerarka ay ku qaadeen Guddoomiye Sayid Cali Ibraahim, waxaana weerarka ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dhanka kale weli si rasmi ah looga Khasaaraha rasmiga ee ka dhashay weerarkaas, hayeeshee waxaa la xaqiijiyay in uu jiro Khasaaro kala duwan.