Seyniyahanno sheegay in xiddigga ugu iftiinka badan cirka uu qarxi rabo.

Cirbixiyeennada adduunka, oo isugu jira seynisyahanno iyo khubaro ayaa indhaha ku haya cirka, iyagoo rajo ka qaba “fursad lama helaan ah oo nolosha hal mar lagu arki karo”.

Waxay ka shaki qabaan in xiddigga lagu magacaabo “Betelgeuse”, oo ah kan ugu iftiinka badan xiddigaha cirka ee dhulka laga arko, uu qarxi doono wakhti aad uga dhow xilligii la filayay.

Inkastoo cirbixiyeennadu ay horayba uga sii war-qabeen in xiddiggan uu ugu dambeyn “qarxi doono”, haddana warar dheeraad ah oo dhawaan soo baxay ayaa indhaha lagu kala qaaday.

Maxay cirbixiyeennadu ugu maleynayaan in xiddiggan uu qarxayo?

Betelgeuse oo Soomaalida ay u yaqaannaan “Bakaal” ayaa ahaa “xiddig lagu waday inuu baaba’o”, waxa laga hadlayayna uu ahaa wakhtiga uu qarxi doono oo kaliya balse aan la isku heynin inay sidaas dhaceyso iyo inkale.

Xiddigan ayey khubaradu sheegeen in da’diisu ay tahay siddeed ilaa toban malyan oo sano kaliya, marka loo eego qorraxda oo ay seynisyahannada sheegaan inay jirto 4.5 bilyan oo sano.

Waa xiddig guduudan oo aad u weyn, noloshiisuna ay gabaabsi tahay, muddooyinkii ugu dambeeyayna sii ballaaranayay, sida ay seynisyahannada sheegeen.

sawir laga qaaday Betelgeuse
Sawirkan oo sanadkii 2017-kii lagu qaaday qalab yaallay waddanka Chile ayaa ah kan ugu muhiimsan ee lagu daraaseeyay xiddiga Betelgeuse, ilaa hadda

Betelgeuse waa xiddig dhaqdhaqaaq badan leh oo si joogto ah uu cabirkiisu u kordho. Cabir ahaan wuxuu la egyahay 550 ilaa 920, oo ku ku labanlaabmi kara cabirka qorraxda.

“Xiddiga sidan oo kale ah waxaan ku tirinnaa inuu ugu dambeyn qarxi doono”, waxaa sidaas BBC-da ku yiri Daniel Brown, oo ah barfasoor cilmiga cirbixiyeenka ka dhiga jaamacadda Nottingham Trent.

“Cilmi-baarista ugu dambeysay ee la sameeyay waxay muujineysaa inuu qarxi karo xilli kasta”.

.

Isbadallada ku yimid iftiinka xiddiga Betelgeuse ayaa horseeday wararka ku saabsan inuu “si deg deg ah” u baabi’i doono

“Laakiin taasi micnaheedu waa in qaraxan uu dhici karo 100-ka sano ee soo socota gudaheeda”, ayuu yiri Brown.

Marka miyuusan xiddigan qarxi rabin mar dhow?

Hagaag, dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay cirbixiyeennadu waxay ogaadeen in xiddigga Betelgeuse uu iftiinka yareeyay – cilmi baareyaal ka socda jaamacadda Villanova ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in xiddiggan uu heerkiisii ugu liitay gaaray muddo 50 sano ah oo si gaar ah isha loogu hayay.

Hoos u dhaca iftiinka ayaa sababay warar la isla dhex marayo oo ku saabsan in xiddiggan weyn uu “qarka u saaran yahay inuu qarxo”.

Seynisyahnnada ayaa ku warramay in iftiinka badan ee sii lumaya uu caddeyn u yahay in wakhtiga nolosha xiddigga uu gabaabsi yahay.

“Iyadoo la ogyahay in xiddigaha waaweyn oo dhan ay noloshoodu gabo gabo ku dhowdahay, waxay maraan xilli waalli ah oo ay iftiin badan lumiyaan”, sidaas waxaa barteeda Twitter-ka kusoo qortay Sarafina Nance, oo ka tirsan Jaamacadda California, kana mid ah khubarada daraaseysa xiddigga Betelgeuse.

.Lahaanshaha sawirkaAFP
Image captionCirbixiyeennada ayaa horayba xiddiggan ugu aqoonsaday “mid sii burburaya”

Xiddiggan wuxuu marayaa marxalad isbaddalka iftiinkiisa laga arki karo dhulka, sida ay BBC-da u sheegtay Emily Brundsen, oo ah cirbixiyeen ka tirsan jaamacadda York.

“Ma jiro wax si rasmi ah u caddeynaya in xiddigga Betelgeuse uu si dhakhso ah u qarxi doono. Horayba waxaa loo sheegay inaannaan waligeen fursad u helin inaan si dhow ula soconno dhacdo noocaas ah oo muujineysa xiddig qarxay, sidaas darteed waxaa jiri karta oo kaliya suurtagalnimada inuu (qarax lama filaan ah) dhaco”, ayey tiri Brundsen.

Maxaa dhacaya hadduu qarax dhaco?

Inuu xiddig qarxo waa arrin aad u weyn, waxaana ka dhalan kara inuu sii daayo tamar aad u badan.

Sawir laga qaaday DayaxaLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionHaddii uu xiddigga Betelgeuse qarxo wuxuu noqon doonaa mid ka iftiin badan Dayaxa oo xitaa maalintii la arki karo

Ma noqon doonto dhacdo la dareemi waayo, gaar ahaan waxaa “si dhow” looga fahmi doonaa dhulka.

“Maalmo gudahood, Betelgeuse wuxuu noqon doonaa mid u iftiima sida dayax shan iyo tobnaad ah”, ayuu yiri Brown.

“Waxaa xitaa si caadi ah loo arki doonaa xilliga maalinta ah”.

Saameyntan waxay socon kartaa muddo bilo ah.

Sug bal… annagu khatar maku jirnaa?

Inuu xiddig qarxo waa arrin aad u weyn oo saameyn leh.

Tusaale ahaan, haddii ay Qorraxdu qaraxdo, cirbixiyeennadu waxay sheegeen inuu burburi doono iftiinka adduunka oo dhan.

Sawirka supernova 1987aLahaanshaha sawirkaNASA
Image caption1987-kii ayey seynisyahannadu sheegeen in xiddiggii ugu dambeeyay uu qarxay

Xiddigihii horay u qarxay waxaa lala xiriiriyay heerkulka batay ee adduunka, waxaana laga yaabaa inay noo keeneen waxyeello sahleysa inay dhibaato naga soo gaarto kuleylka qorraxda.

Warka wanaagsan waa in Qorraxdu ay aad uga yartahay heer ay ku qaraxdo sida xiddigga Betelgeuse – inkastoo la saadaaliyay inuu muddo dhowr bilyan oo sano gudahood ah ku laqi doonto dhulka.

Arrinta ugu muhiimsanse waa in seynisyahannadu ay xiddigga Betelgeuse ku tilmaameen mid ku yaalla meel masaafe dheer ah oo uu dhulka ka nabad galayo.

“Wax ka yar 50 sano oo masaafe iftiin ah ayaa dhibaato ahaan lahaa”, ayuu yiri Daniel Brown, oo arrintaas sharraxayay.

.Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionHaddii xiddigga Betelgeuse uu qarxo wax dhibaato ah masoo gaari doonto dhulka, sida ay seynisyahannadu sheegeen

“Wax khatar ah oo ka imaan karta ma jirto.”

Xiddiggan wuxuu ku yaallaa halka lagu magacaabo “Orion constellation”, oo qiyaastii 700 oo sano oo iftiin ah u jirta dhulka.

Sidoo kale daraasad la sameeyay sanadkii 2016-kii, oo lagy soo daabacay wargeys ka faallooda arrimaha cirka, ayaa lagu sheegay in shucaaca ka dhasha qaraxa xiddigaas ay qorraxda ku gaari karaan lix malyan oo sano

Wax muhiimad ah ma leeyahay qaraxa xiddigga?

Qarax xiddig oo laga dareemo dhulka waa dhacdo dhif ah oo aan inta badan lala kulmin, markii ugu dmabeysay ee la arkayna waxay ahayd 1604 – markaasoo uu xiddig ku qarxay meel 13,000 oo sano oo iftiin ah u jirta dhulka, waana masaafe 20 jibaar ka badan midka uu noo jiro xiddigga Betelgeuse.

Waxaa loo bixiyay “Qarixii xiddigga ee Kepler” maadaama uu xogtiisa diyaariyay cirbixiyeen u dhashay Jarmalka oo lagu magacaabi jiray Johannes Kepler.

Dhacdadii ugu dambeysay ee uu xiddig ku qarxo, oo aan laga dareemin dhulka, balse laga arki karay waxay ahayd 1987A.

Wuxuu qaraxaas ka dhacay meel 168,000 oo sano oo iftiin ah u jirta dhulka.

Inkastoo uu aad u fogaa, haddana wuxuu ahaa qarxixii u dhawaa ee la arko tan iyo kii Kepler.

Kepler's map of the sky
 nQarixii ugu dambeeyay ee xogtiisa la helay wuxuu dhacay qarnigii 17-aad, waxaana macluumaad ka sameeyay cirbixiyeen lagu magacaabi jiray Johannes Kepler

“Betelgeuse wuxuu na siinayaa fursad ayaa ku qiimeyno habka ay u dhacdo dhimashada xiddigaha waxaana wax badan kasii fahmi doonnaa dunida”, ayey tiri Emily Brundsen.

“Haddii uu hadda qarxo, shaqo badan ayaa ku soo baxsan lahayd cirbixiyeennada, maadaama aay dib uga fikiri lahayn aqoonteenna dhinaca xiddigaha”.

“Laakiin waxay sidoo kale noqon doontaa dhacdo aad u xiiso badan”.

Maxay u adagtahay in la ogaado marka uu xiddig qarxayo?

Inkastoo “dhimashada xiddigaha” macluumaad badan looga sameeyay tariikhdeenna, haddana waligeed dhacdo noocaas ah loolama soconin si dhow.

Gal xiddigga Betelgeuse.

Supernova Cassiopeia A

Inkastoo masaafaha 700 ee sano ee iftiinka ah oo uu noo jiro Betelgeuse uu yahay mid aad u badan, marka loo eego luqadda cirbixiyeennada, waa xiddig daris nala ah.

Caannimadaas waxay ka dhigtay xiddigaha fara ku tiriska ah, ee marka laga soo tago qorraxda, dushooda la cabiri karo xogna laga sameyn karo.

Sidaas awgeed, inuu xiddiggan qarxo waxay seynisyahannada u noqoneysaa fursad weyn oo ay cilmi badan uga ogaadaan howshaas “si dhowna ula socdaan”.

Waxay sidoo kale wax badan uga dhignaan doontaa dadka xiddigaha fiiriya ee wax ku qiyaasa.

Xigasho:BBCSomali