Xildhibaan Jamhuuriya oo lagu wado in loo magacaabo wasiir Ku xigeenka Maaliyada


Xildhibaanka ugu saamaynta badan beesha Mudullood oo lagu wado in loo magacaabo wasiir kuxigeenka Maaliyadda.

Waxaa si horu dhac ah usoo baxayo warar sheegaya in Xildhibaan Aadan Cali Xasan (Jamhuuriya) loo wado in loo magacaabo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Somaliya.

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Xasan Cali Khayre ayaa la fillaya in dhawaan uu wax ka bedel ku sameeyo Golihiisa Wasiirada, iyadoona Wasiirada qaarkood la hadalhayo inay xilalkoodu waayi doonaan.

Saraakiil ka tirsan Xafiiska Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa inoo sheegay marka la doorto Madaxweynaha xigga ee Galmudug in uu Ra’iisal Wasaaruhu samayn doono isku shaandhayn, taasoo ay tahay inay wejiyo cusub ka soo muuqdaan.

Saraakiishan ayaa sidoo kale inoo sheegay in Xildhibaan Aadan Cali Xasan (Jamhuuriya) oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka lagu arki doono Golaha Wasiirada, marka isku shaandhaynta lagu sameeyo, loona wado inuu noqdo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda.

Xildhibaan Jamhuuriya ayaa horey u soo noqday Xoghayaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya.

Xildhibaan Jamhuuriya ayaa sidoo kale lagu tiriyaa Xildhibaanada Golaha Shacabka, kuwooda xiriiriya Golaha Shacabka iyo Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha. Waxaana la leeyahay Khayre ayaa u arkay inuu jegadaasi ka soo bixi karo.