Maxay tahay Muranka dhinaca Waxbarashada ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Puntland


Muranka dhinaca Waxbarashada ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Puntland ma aha mid hadda soo bilowdey wuxuuna soo socdey tan iyo xilligii Xasan Sheekh Madaxweynaha ka ahaa Dowladda Federaalka, waxaana jirey heshiis ay gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Puntland oo beesha caalamka goobjoog ka ahayd inkastoo heshiiskaas ku koobnayn keliya dhinaca waxbarashada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Puntland waxey 14 Okt 2014 kala saxiixdeen heshiis 12 qodob ka koobnaa waxaana Dowladda Federaalka u saxiixey Ra’iise Wasaarihii xilligaas Cabdiweli Sheekh Axmed, dhanka Puntland waxaa u saxiixey Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Cali Gaas. Heshiiskan qodobkiisa 7-aad wuxuu ka hadlayey Aqoonsiga Shahaadada Dugsiga Sare ee Puntland oo heshiis laga gaarey wuxuuna u qornaa sidan:

A) In shahaadada dugsiga sare ee Puntland u ekaan doonto shahaadada ay bixiso Wasaraada Waxbarashada iyo Barbaarinta ee Dowlada Federaalak Soomaaliya.

B- Shahaadada dugsiga sare ee Puntland waxaa ka muuqan doona astaanta qaranka iyo magaca Dowlada Federaalka waxaa sidoo kale ka muuqan doona magaca maamulka Puntland.

C- Dowlada Federaalku waxay u gudbineysaa Dowlada Sudan iyo cidii kale ee loo baahdo qoraal lagu cadaynayo in Puntland qaado imtixaan shahaadi ah oo mideysan kaasoo Dowlada Federaalku aqoonsan tahay.

Wasiir Goodax Barre iyo Xukuumadu Khayre hogaamiyo waxaa laga yabaa in aysan la socon heshiiskan oo Dowladdii ka horeysey la gashey Puntland. Haddii ay la socdaana waa In ay ilaaliyaan heshiisyadii hore u gashey Dowladdii ka horeysey ama si cad u sheegaan in Soomaaliya iyaga ka hor dowlad ka jirin oo iyagu yihiin Dowladdii ugu horeysey Soomaaliya yeelato burburka ka dib.

Puntland waxey leedahay Manhaj Waxbarasho iyo Siyaasad Waxbarasho ( Education Policy) tan iyo 2014-kii xilligaas oo Dowladda Federaalka aysan heysan Manhaj Waxbarasho iyo Siyaasad Waxbarasho, Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya waxbarashadeeda waxaa maamulayey 12 Dalladood oo Manhajyo Waxbarasho kala duwan haystey, halka Puntland 2014 Imtixaanaan mideysan ka sameysey deegaannada ay ka taliso oo Wasaarada Waxbarasha Puntland maamuleysey.

Marka waxaa loo baahan yahay In wada xaajood iyo isfaham lagu xaliyo khilaafaadka jira islamarkaana la ilaaliyo heshiisyada ay wada gaaraan Dowlad Gobolyeedyada iyo Dowladda Federaalka oo mar walba oo xukuumad cusub timaado looma baahno In wax kama jiraan ka soo qaadaan heshiisyadii ay gashey Dowladdii ka horeysey.

Mida kale Dastuurka Soomaaliya qodobkiisa 55-aad Awooda Dowladda Federaalka wuxuu ku soo koobayaa 4 arrimood keliya 1- Difaaca dalka. 2- Jinsiyadda iyo Socdaalka. 3- Siyaasada lacagta 4- Siyaasadda Arimaha Dibadda.
Caafimaadka, Waxbarashada, Beeraha, Biyaha, Xoolaha, Sugida Amniga iwm, waxaa u madaxbanaan Dowlad Gobolleedyada haddii khilaaf yimaadana Dastuurka isla qodobkan wuxuu qorayaa in laga wada xaajoodo arimaha siyaasada iyo dhaqaalaha.

Dowladnimadu waxaa laf dhabar u ah dhowrista dastuurka dalka u yaal. Haddii kale fowdo iyo khilaaf lagama baxayo.

Ilyas Mohamud Hussein