Waa kuwee mas’uuliyiinta nabad sugida qaranka ku xir xirtay Muqdisho.

Ciidamada Sirdoonka iyo nabad sugida Qaranka ayaa xabsiga dhigay mas’uuliyiin kadib markii uu tuhun Al Shabaab soo galay.

Gudoomiyaha Rugta Ganacsatada Gobolka Banaadir Axmed Cabdullaahi Xasan iyo Kuxigeenkiisa ayaa waxa la sheegay in Xarun gaar ah ay NISA leedahay lagu xiray.

Waxaa la ogeyn sababta rasmiga ah ee Xarigooda ku tacluuqo balse waxaa la tuhmay in magacaabistoodii ay shabaab ka dambeeyeen ama ka shaqeeyeen.

Ilaa hadda ma jirto war ah oo ka soo baxay Taliska NISA oo ay faah faahin kaga bixinayaan raggaan mas’uuliyiinta ah ee la xiray.

Gudoomiye Axmed C/llaahi iyo ku xigeenkiisa ayaa 17 Bishii hore December xilka loo magacaabay,waxaana la ogeyn Xarigooda iyo halka uu ku dambeyn doono.

Dhanka kale Nabad sugida Soomaaliya ayaa muddooyinkii dmabe laba jibaaray daba galka shakhsiyaadka Dawlada la shaqeeya ee la tuhmayo inay Al Shabaab gacan saar la leeyihiin