Madaxweynaha Puntland oo safar aan la shaacin ku aaday Magaalada Nairobi.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Arbaco ah safar aan la sii shaacin ugu ambabaxay magaalada Nairobi, iyadoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan ujeedka safarkiisa.

ilo wareedyo ku dhow madaxtooyada Puntland ayaa sheegaya in Madaxweyne uu kulamo kala duwan kula qaadan doono Nairobi, safiiro ka socda dalalka qaar, xubno matalaya wakiilada Beesha caalamka, iyo deeq-bixiyaasha.

Madaxweynaha Puntland iyo xubnaha Beesha Caalamka, ayaa sida la xaqiijiyay, waxay Nairobi ku yeelan doonaan shir la xiriira arrimaha Amniga iyo Siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaanna doorashada 2021-ka, dib u-eegista Dastuurka, Khilaafka Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka iyo deeqaha Caalamku ku bixiyo magaca Soomaaliya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Saciid Deni uu wato qorshe uu beesha caalamka dhaadhicinayo in deeqaha loogu talo galay Puntland toos loo siiyo maamulkiisa oo aan loo sii marinin dowlada federaalka.

Puntland ayaa ka mid ah maamulada ay sida weyn isugu dhac yihiin dowlada dhexe ee Somalia ka dib markii ay isku khilaafeen arrimo kala duwan oo ku saabsan siyaasada dalka.