Howlgal dad badan lagu soo qabtay oo xalay laga sameeyay magaalada Boosaaso.

Ciidamada Booliska Puntland ayaa howlgal dad badan lagu qabtay ka sameeyay xaafado ka tirsam magaalada Boosaaso, kaddib markii xalay la dilay Guddoomiyihii hore degmada Qandala.

Howlgalka Ciidamada ayaa lagu qabtay dad u badan dhalinyaro, kuwaasoo la geeyay saldhigga Booliska.

Inta badan dadka la qabtay ayaa la sii daayay, hase ahaatee waxay Ciidamada la hareen kuwo la tuhmayo oo baaritaano ku socda.

Rag hubeysan ayaa xalay Boosaaso waxay ku dileen Guddoomiyihii hore degmada Qandala Maxamed Quurshe, iyadoo ay goobta ka baxsadeen.

Magaalada Boosaaso ayaa horay waxaa uga dhacay dilal kala duwan oo qaar ka mid ah ay sheegteen Al-Shabaab, waxaana magaaladan lixdii sano u dambeeyay ka dhacayay dilal iyo qaraxyo isugu jiray miinooyin iyo qarax ismiidaaminba.