Ciyaar xiiso lahayd Arsenal oo Barbaro la gashay Chelsea

Kooxda Arsenal ayaa noqotay koox aan quusanin ka dib markii iyagoo 10 ciyaaryahan ah ah ay barbaro 2-2 ku qabteen kooxda Chelsea oo marti loo ahaa xilli David Luiz uu casaan toos ah ka qaatay daqiiqadii 26aad ee qeybtii hore.

Chelsea ayaa labo jeer laga keenay hogaan ay u qabatay ciyaarta, iyadoo rigooradii uu dhaliyay Jorginho uu ku gool cajiib ah ku barbareeyay Martinelli halka hogaan uu mar kale u dhiibay Chelsea kabtankooda iyo daafacooda midig Azpilicueta uu durbadiiba barbareeyay kabtanka iyo daafaca midig ee Arsenal Hector Bellerin.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay si xamaasad leh iyadoo jawiga garoonka uu ahaa mid kacsan islamarkaana ay taageerayaasha sawaxan badan sameynayeen. Labada kooxood ayaa bilowgii ciyaarayay kubad degdegsiimo badan iyadoo Mustafi uu kubad halis ah jirkiisa u dhigay ka hor inta uusan Christensen qasaarinin fursad fiican daqiiqadii 11aad.

Chelsea ayaa bilowday inay cadaadis saarto Arsenal iyadoo kubad madax aheyd uu Rudiger u celiyay Abraham ay keentay in weeraryahanka Ingariiska uu darbo la eegto goolka laakiin waxaa badbaadiyay goolhaye Leno.

Chelsea ayaa fursad lama filaan ah heshay markii kubad uu soo qaaday Hudson-Odoi oo uu goolhaye Leno moodayay karoos ay ku noqotay mid goolka ku sii socota, Arsenal ayaa nasiib ku laheyd inay kubada ku dhacday birta ka hor inta aysan banaanka u bixin.

Ciyaarta ayaa mar qura isbedeshay markii Mustafi uu qalad weyn sameeyay isagoo baas daciif ah dhigay taasoo u saamaxday inuu kubada helo Abraham oo kubada la hareermaray goolhaye Leno laakiin intii uusan kubada cusjinin shabaq faaruq ah waxaa qalad ku galay David Luiz oo casaan toos ah loo taagay lagana dhigay rigoore.

Waa markii labaad ee uu David Luiz casaan qaato horyaalka Premier League, markii ugu horeysay wuxuu qaatay kulankii uu kooxdiisa haatan ee Arsenal uu kaga horyimid Stamford Bridge haatan isagoo Arsenal u dheelaya islamarkaana Stamford Bridge kaga horimaanaya kooxdiisa hore ee Chelsea ayuu qaatay.

Rigoorada waxaa u soo istaagay Jorginho kaasoo durbadiiba gool u sarifay iyadoo xiddiga Talyaaniga uu yahay mid aan inta badan laga qabanin gool ku laadyada.

Qeybtii hore oo ay ciyaarta inta badan iska heysatay Chelsea waxaa lagu kala nastay gool iyo waxba oo ay Blues ku hogaaminesyay.

Bilowgii qeybta labaad Chelsea ayaa kubada u heysatay qeybtii hore oo kale iyagoo ku ciyaarayay xerada ganaaxa ee kooxda Arsenal laakiin waxay taasi isbedeshay daqiiqadii 64aad oo ay Arsenal heshay goolka barbaraha.,

Martinelli ayaa gool cajiib ah oo laga sheekeyn doono ku barbareeyay Chelsea. Blues koorno ayay soo tuuraneysay waxaa soo bixiyay Mustafi, waxaa helay Martinelli oo kubada ka soo jiiday meel u dhow goolkooda, waxaa dhexda uga horyimid Kante oo u kufay sidii Steven Gerrard, waxaa la awoodi waayay in orod lagu soo qabto ilaa iyo uu kubada dhinac ka dhigo goolhaye Kepa.

Gabriel Martinelli waa 18 jir wuxuu durbaba Arsenal u dhaliyay 10 gool tartamada oo dhan, waa da’ yarkii ugu horeeyay ee 10 gool ama ka badan u dhaliya Arsenal tartamada oo dhan tan iyo markii uu Nicolas Anelka sidaas sameeyay xilli ciyaareedkii 1998-99.

Afar daqiiqo ka dib tababare Lampard ayaa bedelay N’Golo Kante iyadoo uu soo geliyay Mason Mount.

Goolhaye Leno ayaa ciyaarta ku sii hayay Arsenal kuwaasoo weeraro isdaba joog ah kala kulmayay Blues iyadoo Leno uu fursado fiican ka beeniyay Willian, Abraham iyo Ross Barkley.

Chelsea ayaa hogaanka ku soo laabatay markii koorno ay soo tuurayeen ay baasteen iyadoo karoos ugu danbeeyay ee la soo qaaday uu shabaqa ku taabtay Cesar Azpilicueta.

Hogaanka Chelsea ma uusan waarin waxaa durbadiiba Arsenal u barbareeyay Hector Bellerin oo garabka midig ka soo xarooday isagoo labo xiddig oo Chelsea ah kubada ka leexsaday ka hor inta uusan darbo joogo hoose dabamarinin goolhaye Kepa, isagoo ciyaarta ka dhigay barbaro 2-2 ah.

Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay barbaro 2-2 ah iyadoo Arsenal ay weli ku jirto kaalinta 10aad iyagoo leh 30 dhibcood waxay 10 dhibcood ka danbeeyaan Chelsea oo ku jirta kaalinta afaraad oo leh 40 dhibcood.