iska keey ilaali !!! (Daraasad kharajka ku baxo ilaalada madaxdooda 10- ka Dalka ee ugu badan).

Shucuubta ku nool Qaaradda Afrika waxaa Malaayiin Dollar oo Lacagta Canshuurta ah ee laga qaado ey ku baxdaa sidii isla iyaga Madaxdooda looga ilaalin lahaa.

1.Shacabku waxay ka fikiraan Nolol maalmeedkooda iyo Horumarinta Dalka.

2. Ciidamadu waxay ka fikiraa sidii ay Dadka uga ilaalin lahaayeen Madaxdooda.

3.Madaxdu waxa ey ka fikiraan Sidii Dollar badan ey u uruursan lahaayeen, Ciidanka iyo Shacabkuna eynan u fahmi leheeyn, in labadooda la isku mashquuliyay oo ey wada yihiin Labo dhibane.(F.S:1aad).

Daraasad Dhawaan laga sameeyay kharajka ku baxo ilaalada 10- ka Dalka ee ugu badan Madaxweynayaashooda Sannadkiiba. taa oo ah Canshuurtii Shacabkooda baahan, ee isla iyagu ey yihiin waxa laga ilaalinayo, canshuur ahaan looga qaaday. Daraasadaa ayaa sidaan u qoran :

1.South Africa $50 Million. 2.Nigeria $40 Million. 3.Kenya $30 Million. 4.Chana $26 Million. 5.Cameron $25 Million. 6.Ethiopian.$ 20 Million. 7.Tanzania. $17 Million. 8.Uganda.$15Million. 9.Ruwanda. $13 Million. 10.Zimbabwe. $10 Million.

Hadaba Somaaliya oo leh in ka badan 9 Madaxweyne Dadkeeduna eynan Nabad heeysan oo iyaga laftoodu u baahan in la ilaaliyo.Meeqa Dollar ayeey la egtahay Canshuurta laga qaado Sannaskii,si Madaxdooda looga ilaaliyo isla iyaga, Marka lagu daro kharajka ku baxo AMISOM oo shaqadeeda oo dhan ku soo koobtay in ey madxada ilaaliso.

Fadlan haddii aad heli karto Qiyaasta Lacagta nooga baxdo “iska keey ilaali ” nala wadaag. Mahadsanid.

Qore : Yahya Amir