Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya oo ka qayb galaya bandhig Carweedka Ganacsiga oo ka furmaya dalka Sudan.

Wasiirka ganacsiga Soomaaliyaa iyo wafdiga u hoogminayay ayaa gaaray dalka Suudaan oo ay uga qab galayaan bandhig carweed lagu qabanaayo dalka Suudaan ,waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay dhigiisa dalka Suudaan Cabaas Madaani iyo safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Suudaan, iyadoo maanta uu furayo Ra’iisal Wasaaraha dalka Suudaan Cabdalle Xamdaan, bandhig Carweedka ganacsiga ee ay martigalineeyso wasaaradda ganacsiga dalka Suudaan.

Soomaaliya ayaa waxay ku soo bandhigi doonta fursaddaha ganacsi ee ka bannaan Soomaaliya iyo sida looga faa iidaysan karo.

Wasiirka Ganacsiga DFS Cabdullaahi Cali Xasaan ayaa sheegay in ay Soomaaliya u baahantahay sidii loo horumarin lahaa ganacsiga dalka iyadoo ay jiraan dadaallo loogu jiro hormarinta ganacsiga Soomaaliya.