Soomaali Dil iyo Dhaawac loogu gaystay Dalka Koonfur Afrika.

Waxaa dalka South Afrika ka socda dilalka iyo tacadiyada loo gaysanaayo muwaadiniinta Somaliyed ee halkaasi ku nool, iyadoo xalay qof Somali ah la dilay mid kalena la dhaawacay.

Koox burcad Koonfur Afrikan ah ayaa xalay Magaalada Cape Town waxaa ay ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa ganacsatada halkaas ku nool, iyadoo mid kale lagu dhaawacay.

Dilkaan ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay Bartamaha Xaafadda Soomaalida ku badan tahay ee Bellville ee Magaalada Cape Town, iyadoo muwaadinka ay dhawr xabadood ay ku dhufteen rag hubeysnaa, isagoo goobtaas ku geeriyooday.

Allaha u naxariistee Muwaadinka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Nuur Degeb, kaasi oo ka mid ah dhalinyarada Caan ka ahaa gudaha dalka Koonfur Afrika, waxaana la sheegay in halkaas uu ku lahaa goob ganacsi.

Burcad kale oo Koonfur Afrikaan ah ayaa dhaawac u gaysatay wiil magaciisa lagu soo koobay Mustaf oo ka mid ahaay Ganacsatada Somalida.

Mustaf ayaa isaga oo dhaawac ah waxaa loola cararay goob caafimaad, halkaasi oo lagu daweynaayo.

Dhanka kale tacadiyada loo gaysanaayo dadka Somalida ee ku nool dalka Koonfur Afrika, ayaa sii kordhaya, mana jirta cid wax ka qabaneysa.