Shir looga hadalayo Amniga iyo sidii la isugu furi lahaa wadooyinka oo lagu Qabtay Gobalka Hiiraan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle, maamulka degmada Buule Burde ee gobalka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada,‘kuwa AMISOM iyo odayaasha Dhaqanka ayaa yeshay kulan xasaasi ah oo loga hadlayay dhinaca Aminga.

kulankaasi oo mid diidarada lagu saaray sidi la isugu furi lahaa wadooyinka ay go’doomiyeen Al-Shabaab,waxaa ka hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo xubno kale,kuwaas oo shegay in degmada Buulo burde ay kamid tahay degmoyinka ugu amniga wanagsan gobalka Hiiraan islamarkana ay Furi donaan wadooyinka ay go’doomiyeen Al-Shabaab.

Taliyaha Ururka 41-aad Guutada 5aad Qeybta 27aad Dhama cabdulqaadir cali Nuur ayaa dhankisa shegay in AL-shabaab laga saari doono Degaannada Hoos yimaada Degmada Buule Burde ee gobalka hiraan si go’doonka looga qaado waxa una madaxda Dowladda ugu baaqay in la qalabeeyo Kooxda Macawiisleyda oo dagaalka kula jira AL-shabaab.