Baranbaro Nadiif ah!!! =FAALLO=

Masuulkii oo ka soo noqday Safar dheer oo dhowr wadan oo Dibaddaa uu ku soo maray, Lana soo kulmay, Madaxda Dalalka iyo Shirkadaha Shidaalka, ayaa war bixintiisii ku bilaabay: Safarkeygii waxa uu ahaa mid guul ku soo dhamaaday.

Guulaha waxaa ka mid ah, Wadan aan Saaxiibo nahay ayaa Noogu deeqay Baranbaro Nadiif ah, oo na geey doonto Musqul Nadiif ah, waxaana ka dhargi doonaa Saxaro nadiif, Dadkuna baahida waa ka bixi doonaan.

Hal mar ayaa Dadkii Hoolka joogay intoodii badneyd ey Sacab & Alalaas ku dhufteen. Sax weeyaan, Sax weeyaan.

waan naxay, ma Anigaan wax fahmin?. Ma Madaxdaa been loo soo sheegay?. Ma iyagaa Been noo sheegayo? Dadku xageey ku arkeen Baranbaro Nadiif ah?.

Dollar oo dhan xalaal ma ahan, Musqul oo dhan nadiif ma ahan, Saxarada qaarkeed waa nijaas. Sax weeyaan oo dhanna sax ma ahan.

Wax kasta oo Gacantaadu soo qabato, ha cunin, u tur Caafimaadkaaga, kan Caruurtaada ,kan Miyiga, Tuulada, Degmada iyo kuwa Gobalda joogo, Barnbaraa nadiifa ha noogu Bishaareyn.

ogowna Qofkii Baranbaro Imaam ka dhigtoow, Moowlaceedu waa musqul iyo meel xun.
Aakhirana Xalaal & Xaaraan, Xisaabaa lagu kala saaraa.

Baranbaro nafiifa ma cuni laheyd ?.

kuwii Xalaasha Quuto Alla hanaga dhigo, wixii Aqoon la’aani noo geeysana Alla hanaga cafiyo.Aamin Aamiin.

Qore: Yahya Amir