Taliyaha Ciidanka dhulka oo Koormeeray aagaga hore dagaalka ee Gobolka Shabeellada Hoose+Sawirro

Muqdisho:-Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliya S/guudto C/Xamiid Maxamed Dirir ayaa Kormeer shaqo waxa uu ku tagay Difaacyada Ciidanka xoogga dalka ay ku leeyihiin Degaanada Awdheegle, Bariire, Sabiid iyo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellada Hoose.

General C/Xamiid Maxamed Dirir ayaa mid mid u dul istaagay Difaacyada isagoona halkaasi kula kulmay Ciidan ku guda jira waajibaadkooda qaranka loo igmaday

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliya General C/Xamiid Maxamed Dirir waxa uu ciidamada faray in ay u diyaar garoobaan Howlgal ka dhan ah nabadiidka Al-shabaab kaasi oo looga xureynayo degaanada gobolka shabellada hoose

Dhanka kale Safarka Taliyaha ciidanka dhulka ayaa ahaa mid dhulka ah,isagoona Booqday fariisimaha ciidamada xoogga dalka.