Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo la Kulmay madax ka socotay hey’adda UNDP.

Muqdisho:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan barnaamijyada Horumarinta ee (UNdP).

Kulanka oo uu guddoomiyuhu la yeeshey kuxigeenka Wakiilka UNDP ee Soomaaliya ayaa waxaa ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta Golaha Shacabka iyo Hay’adda UNDP.

Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa muujiyay ahmiyadda ay leedahay sidii loo dardargelin lahaa wadashaqeynta labada dhinac.

Dhanka kale Hay’adda UNDP ee QM ayaa ka mid ah hay’adaha taageera Dowladda
Soomaaliya,iyadoo fulisa mashaariic badan oo dhanka Horumarinta ah.