Madaxweynayaashii hore Xasan Sheikh & Sheikh Shariif oo la filayo inay Dacwad ka Dhan ah Farmaajo u Gudbinaaya Beesha Caalamka

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa Beesha caalamka u gudbinaya dacwad ka dhan madaxweyne Farmaajo oo ku aadan doorashada Galmudug.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo Xasan Sheikh Maxamuud ayaa wada qorshe ay dacwad ugu gudbinayaa madaxweyne Farmaajo oo ay ku eedeeyeen inuu afduubto doorashada Galmudug gaar ahaan doorashadii ugu dambeysay ee ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Labadan mas’uul oo horay xil culus uga soo qabtay dalka ayaa sheegay ineysan xor iyo xalaal ahayn doorashadii ugu dambeysay ee ka dhacday Dhuusamareeb,taas oo lagu doortay guddoonka cusub ee Baarlamaanka Galmudug.

Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Galmudug ayaa waxaa loo doortay Dr.Maxamed Nuur Gacal oo loo xaglinayo inuu taageero Dowladda Federaalka Soomaaliya,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in doorashadii shalay kaliya dhacday lagu bixiyay Lacag aad u fara badan oo laga saaray Qasnada Dowladda.