Faah faahin ku saabsan Madaxii Sirdoonka Al-Shabaab oo la dilay.

Dowladd Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa shaaciyey in la dilay Madaxii Sirdoonka Al-shabaab ee Gobalka shabeelaha hoose.

Taliyaha Ciidamadda Booliska Baraawe Ibraahim aadan Cali oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in howlgal ay fuliyeen ciidamadda Danab lagu dilay sarkaalka xili uu ku sugnaa hoygiisa.

Wuxuu kaloo sheegay Taliyaha in qorshaha uu ahaa in gacanta lagu soo dhigo balse uu dagaalamay,taasina ay keentay in la dilo.

Dhanka kale Ciidamadda Danab ee Mareykanka uu Tababaray ayaa habeen hore weerar ku qaaday hoy uu ku sugnaa sarkaalka,waxaana halkaas ka dhacay israsaaseyn muddo kooban socotay.