Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo maanta Boosaaso ku yeelanaya kulan ku saabsan xaaladda dalka

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in maanta halkaasi kulan ku dhex marayo wasiiro ka tirsan maamulada Puntland iyo Jubaland, kaasi oo looga hadlayo xaaladda wadanka iyo xiriirka labada maamul.

Madaxweynaha Puntland Cabdullaahi Saciid Deni oo shalay qado sharaf u sameeyay wafdiga Axmed hoggaaminayo ayaa sheegay in labada maamul uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah oo qoto dheer, sidaasi daraadeedna ay muhiim tahay inay ka wadahadlaan danahooda iyo tan dalka.

Saciid Dani ayaa sheegay inay si weyn u soo dhoweynayaan imaatinka wafdiga Puntland, wuxuuna sheegay in kulanka ay maanta ku yeelanayaan magaalada Boosaaso ka soo bixi doonaan qodobo ka tarjumaya hannaanka ay ku wajahayaan doorashooyin dalka ka dhacaya iyo xoojinta xiriirka labada maamul.

Dhinaca kale Axmed Madoobe ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay imaatinka magaalada Boosaaso xarunta ganacsiga Puntland oo uu sheegay inay ugu dambeysay sanadkii 1990-kii, isagoo sheegay inay ku yimaadeen booqasho rasmi ah maadaama Puntland ay tahay hooyadii federaalka.

Madaxweynaha Jubaland ayaa sheegay in kulanka ay yeelanayaan wasiirada labada maamul looga hadlayo xaaladda dalka, doorashooyinka la filayto inay dalka ka dhacaan, sidii labada maamul mowqif mideysan uga qaadan lahaayeen iyo qodobo kale.

Labada maamul ayaa ku haray khilaafka ragaadiyay dowladda dhexe iyo maamulada Federaaliga ah, iyadoo kulankooda ku soo beegmayo xilli Madaxweyne Deni sanadkiisii ugu horeeyay la kulmay fadeexad su’aal gelineysa hab maamulkiisa.

Dhinaca kale Axmed Madoobe Madaxweynaha Jubaland oo ku soo baxay doorashooyin iska soo horjeeda ayaa tan iyo markii la doortay waxaa gacantiisa ka baxay mid ka mid ah saddexda gobol ee hoos yimaada Jubaland, halka midka kale ay heystaan Al-Shabaab, waxaana u haray oo kaliya gobolka Jubada Hoose.

Dowladda federaaliga ah ee Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegtay inaysan aqoonsaneyn maamulka Axmed Madoobe, iyadoo ku eedeysay inuusan marin hab raaca doorashooyinka maamulada federaaliga ah, taasi oo aakhirkii sababtay in magaalada Kismaayo ay ka dhacaan doorashooyin fowdo ah.