10-Ruux oo Ku Dhaawacantay Qarax ka Dhacay Muqdisho.

Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Bambo gacmeed xalay lagu weeraray guri ku yaala Xaafadda Fagax ee degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka, rag hubeysnaa ayaa bambo gacmeed ku tuuray guriga ay ku sugnaayeen dhalinyaro rag iyo Dumar isugu jirey,islamarkaana xiligaas halkaas ku caweynayay.

Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in falkaas ay ku dhawacmeen 10-ruux oo labo ka mid ah dhaawacyo culus qabaan.

Ilaa haatan lama oga cida ka dambeysay falkaan,waxaana goobta gaaray ciidamadda amanka Dowladda Soomaaliya oo howlgal sameeyay.