Qofkii walaashii / Aaway Qolkii walaasheey?.(Ar Somalidu Taariikhda ma dhoowrtee, armey Reer Jowhar i ceebeeyaan?).

Nin Saaxiibkeey ahaa oo u dhashay Dalka Denmark ayaa igu casuumay inuu i geeyo goob taariikhi ah. waxa uu noo gooyay Laba Ticket. wuxuu igu yiri: Qolkani waa Qolkii ey ku noolan jirtay Mrs. Karen.

Waxaan ku iri: Maxey aheyd ?

Waxa uu igu yiri: waa naag Reer Denmark ah oo hal Qarni ka hor ku fikertay in ey Afrika Warshad ka dhisato.

Waxaan ku iri: ma maqal weligeey.

Waxa uu igu yiri: Qolkani waxa uu leedahay, Taariikh kale oo lagu xasuusto, ma daawatay filimkii caanka ahaa ee “out of Africa”. ee Abaal marinta Filimada ee Oscar ku guuleeystay?.

Waxa aan ku iri: waan daawaday.

Waxa uu igu yiri: waa Qolkii lagu sameeyay Filimkaa, Sawirkaan yuuna iga qaaday.(F.S:1 & 2aad).

Waxaan ku iri: Haddii aad Somaliya timaad, waxaan ku geeynayaa Magaalada Jowhar, si aad u aragto Mudulkii iyo Qolkii ey deganeyd, Suugaan yahanadii ugu Caansaneed Qaarada Afrika Qarngii tagay, Mrs. Maynuun Biyoow, aad ayuu ugu farxay.

Ar Somalidu Taariikhda ma dhoowrtee, ameey Reer Jowhar i ceebeeyaan. walaba Taalo ma u dhisteen ama Dugsi ma lagu magacaabay, meel maku keeydiseen Taariikhda Jareer weeyne Gaar ahaan tii Walaasheen Maynuun Biyoow.

Saaxiibkeey waa soo socdaa ee yaan leey ceebeeyn Reer Jowharoow iga diyaariya Qolkii Maynuun.

Qore: Yahya Amir