Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug oo lasoo gaba-gabeeyay.

Dhuusamareeb:-Waxaa goor dhow la soo geba-gebeeyey codeynta doorashada Guddoomiye ku-xigeenka Koobaad iyo Labaad ee Baarlamanka maamul Goboleedka Galmudug.

Xilka gudoomiye ku-xigeenka 1aad waxaa ku tartamay Laba musharax oo kala ahaa , C/llaahi Xirsi Maxamed iyo Saadaq Shiikh Yuusuf Ibraahim.

Cod bixinta ka dib waxaa doorashada Gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Galmudug ku guuleystay, C/llaahi Xirsi Maxamed, isagoo helay 59 cod, halka musharaxa la tartamayay oo ahaa, Saadaq Shiikh Yuusuf Ibraahim uu helay 29 cod, waxaana xumaaday Hal cod.

Xilka Guddoomiye ku-xigeenka -aad ee Baarlamaanka Galmudug ayaa isna u loollamay , Maxamed Shiikh Axmed Maalin iyo Faadumo Cabdi Cali.

Waxaana tirinta codadka ka dib xilkaasi ku guuleysatay, Faadumo Cabdi Cali oo ahayd Haweeneyda keliya ee ku jirtay musharaxiinta Guddoonka Baarlamanka Dowlad Goboleedka Galmudug.

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in la guda galo doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa.