Dagaal deegaanka Gobolka J/Hoose ka dhacay iyo malaeeshiyaad Al-Shabaab ah oo lagu khaarijiyay

Muqdisho:- Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta jubbaland ayaa howlgal ka sameeyay nawaaxiga deegaanka hoosingoow ee gobolka Jubbada hoose,kaasi oo lagu baacsanayay Al-Shabaab.

Intii uu socday howlgalkaasi wada jirka ahaa ayaa afar kamid ah maleeshiyada shabaab lagu khaarijiyay,sida ay warbaahinta Qaranka u xaqiijiyeen saraakiisha ciidankaasi hoggaaminaysay.

Xubnahan ka tirsanaa maleeshiyada Alshabaab ayaa qorsheynayay inay Hosingoow weeraraan,balse ciidanku ay ka hortageen ayna fashiliyeen qorshohoodi guracanaa.

Goob joogayaal deegaanka ah ayaa sidoo kale xaqiijiyay in meydadka 4tii xubnood ee ka tirsanaa Shabaab ay halkaasi ku aaseen dadka deegaanka.

Dhanka kale tani ayaa muujinaysa dhabar jabka ay Al-Shabaab ay Kala kulmayaan ciidanka xoogga Dalka oo Laba jibaaray howlgalada dhanka ah Al-Shabaab.