Waa maxay Doorka Al-Shabaab ay ku leeyihiin magacaabista gudoomiyaha rugta ganacsiga G/Banaadir?

Waxaa dhawaan la magacaabay gudoomiyaha rugta ganacsiga gobolka Banaadir Axmed Cabdullaahi Xasan, kadib markii muddo saddex sano ah ay isku khilaafsanaayeen ganacsatada waa weyn ee gobolka Banaadir kuwaas oo isku heystay cidda qabaneysa xilkaas.

Masuuliyiin sare-sare oo ka tirsan dowladda Federaalka ayaa isku dayay iney khilaafkaan xaliyaan, waxeyna ganacsatda ka codsadeen iney xal la yimaadaam, kuna buuxiyaan booska banaan hanaan ay heshiis ku yahiin.

Qaar ka mid ah ganacsada Soomaalida oo la hadlay VOA-da ayaa xaqiijiyay iney Al-Shabaab u yeereen ganacsatadii is hayay waxyar kadib markii ay dowladda ka codsatay ganacsatada iney booskaan kusoo heshiiyaan.

Sida ay sheegtay xogta VOA, waxaa la isugu tagay meel ka mid ah gobolka Shabeellada Hoose. Qaar ka mid ah ganacsatada ayaa ka cudur daartay iney tagaan halka qaar kalana ay wakiilo dirsadeen. Muddo laba cisho ah oo ay halkaas joogeen, dood iyo wadahadal dheer kadib, waxaa loo sheegay iney aqbalaan in Axmed Cabdullaahi Xasan uu yahay gudoomiyaha rugta Ganacsiga.

Ganacsatadii arrintaan uga waramay VOA-da ayaa bixiyay xogo isku mid ah, balse waxey qabeen kaliya cabsi badan oo dhanka amaankooda ah.

Mid ka mid ah ganacsatada oo la hadlay VOA, balse codkiisa la beddelay, ayaa sheegay in qaar ka mid ah ganacsatada ay u dacwoodeen Al-Shabaab, iyagoo ku andacoonaya in qaar ka mid ah shaqsiyaadka ay wax kala dhaxeeyaan kaliya hadalkooda ay dowladda tixgalineyso.

Sidoo kale wuxuu qofka hadlay sheegay in markii la dhageystay dooda ay Al-Shabaab go’aansadeen qof ay iyaga wataan iney xilka u magacaabaan, sidaas darteed labadii qolo ee is dacweysay ay ku qasbanaadeen iney aqbalaan go’aanka, waxaa intaas dheer in gudoomiyaha cusub uu hadda ku shaqeynayo xafiiskiisa.

17-kii December 2019 ayey aheyd markii gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed uu ku dhawaaqay inuu magacaabay gudoomiyaha cusub rugta ganacsiga ee gobolka Banaadir.

Maxamud Cabdikariim Gabeyre, oo ah gudoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliyeed, oo la hadlay VOA, ayaa beeniyey in Al-Shabaab ay u yeeriyeen magacaabista, wuxuuna carabka ku adkeeyay iney arrintu tahay mid ay kasoo shaqeeyeen.

Mr. Gabeyre wuxuu qiray in gudoonka ay dhiseen uu ka kooban yahay lix xubnood, isla markaana aysan jirin wax ay u yeeriyeen Al-Shabaab, wuxuuna sharaxay iney wax badan ka shaqeeyeen maadaama booska uu banaanaa tan iyo markii uu geeriyooday Cabdirashiid Shire Ilqeyte.

Sidoo kale, gudoomiyaha wuxuu ka dhawaajiyay in guddoonka ay magacaabeen ay heyn doonaan xilka muddo laba sanadood ah, kadibna doorasho loo gali doono booskaas.

Gabeyre wuxuu u sheegay in dad uu ugu yeeray iney magac xumeynayaan ganacsiga Soomaalida, ay qaadeen tallaabada ay kaga been sheegayaan arrimaha la xiriira rugta ganacsiga.