Khilaaf soo kala Dhex Galay Madaxweyne Deni iyo ku-Xigeenkiisa.

Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni Khilaaf iyo ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Karaas ayaa khilaaf xooggan ayaa soo kala dhex galay, kaas oo si aad ah looga dareemayo Madaxtooyada Garowe.

Khilaafka ayaa ka dhashay ka dib markii madaxweynaha Puntland uu xilka ka qaaday guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Puntland,taas oo uu ka xanaaqay Axmed Karaash, islamarkaana diidmo ka muujiyay.

Wararka qaar oo aan heleyno ayaa sheegaya in Khilaafkan labada mas’uul uu saameyn xooggan ku yeeshay xafiisyada Xukuumadda, waxaana joogsaday shaqooyin muhiim ah oo shacabka loo hayay.

Madaxweyne DENI ayaa la rumeysan dhawaan inuu daaqada uga saaray Dhoobo daareed khilaaf soo kala dhexgalay iyo wada shaqeyn la’aan, waxaana la ogeyn halka uu ku dambeyn doono Khilaafka DENI iyo ku-xigeenkiisa hadda soo kala dhex galay.