Galmudug oo goordhow dooranaysa Guddoomiye Baarlamaan iyo tirada Musharixiinta u taagan.

Dhuusamareeb:-Waxaa Maanta oo Arbaco ah lagu wadaa in lasoo gabagabeeyo qabashada Araajida murashixiinta u taagan Guddoonka Baarlamaanka cusub ee maamul Goboleedka Galmudug.

Guddiga doorashada Guddoonka Baarlamaanka Cusub ee Galmudug ayaa Labadii Maalmood ee lasoo dhaafay qabtay Araajida Lix Musharax.

Baarlamaanka Cusub ee Galmudug ayaa goor dhow yeelan doona kulankoodii ugu horreeyay, kaas oo ay kaga arrinsan doonaan wax qabadka horyaalla, iyagoo iska waraysan doona halka ay wax marayaan iyo sidii loo wajihi lahaa howlaha dhiman.

Doorashada Guddoomiyaha cusub ee maamul Goboleedka Galmudug ayaa waxaa xigi doona doorashada Madaxwenaha iyo ku xigeenkiisa.

Dhanka kale Gudoomiyaha Guddiga doorashada Gudoonka Baarlamaanka oo warbaahinta kula hadlay magaalada Dhuusomareeb ayaa sheegay in maanta diiwaan galiyeen ilaa 7-musharax oo isku soo taagay qabashada Gudoonka Baarlamaanka.