Murashaxa Madaxwayne Ku Xigeen Galmudug oo Khamiista ku fool leh Magaalada Dhuusamareeb.

Murashax Madaxwayne Ku Xigeen Galmudug, Xasan Maxamed Saciid Samantar “Xasan Gacaliye” ayaa maalinta Khamiista ah ee 16ka Janaayo 2020 laga sugayaa caasimadda Dawlad-Goboleedka Galmudug, Dhuusa Mareeb.

Xasan Gacaliye wuxuu ka mid yahay murashaxiinta ugu saamaynta badan ee inta u taagan xilka Madaxwayne Ku Xigeenka Galmudug.

Xasan Maxamed Saciid Samantar “Xasan Gacaliye”, waa nin aqoon iyo waayo-aragno leh, ahaan jiray diblomaasi hore, wuxuuna labo jeer ka qabtay Galmudug xil wasiir. Hadaba xildhibaan dooro si loo helo dowlad tayo leh