Ciidamada Booliiska oo Magaalada Jowhar Ka bilaabay Howlgalo Amniga lagu sugayo.

Gutubyo ka tirsan ciidanka Booliiska ayaa xaafadaha magaalada Jowhar ka billaabay howlgallo lagu sugayo ammaanka magaaladaasi, loogana hortagayo haddi ay jiraan kuwo falal amnidarro ah ka wada halkaasi.

Wariyaha nooga soo warama magaalada Jowhar Abuukar Maxamed Bacadle ayaa soo sheegaya in ciidamada booliisku ay howlgalladan ku baahiyeen dhamaan afarta xaafadood oo ay ka koobantahay Jowhar, wuxuuna intaasi ku daray in ciidamada la arkayo iyagoo waqtidambe taagan waddooyinka xaafadaha.

“Bulshada ku dhaqan afarta xaafadood oo ay ka koobantahay degmada Jowhar ayaa si isku mid ah u soo dhaweeyay howlgalkan oo ay ku tilmaameen mid lagu adkeeynayo amnigooda islamarkaana kalsoonibadan ku siinaya in ay si toos ah ula shaqeeyaan ciidamada” sidaasi waxaa yiri Abuukar Maxamed Bacadle oo u saaka u waramay Newsroomka warbaahinta Qaranka.

Ammaanka magaalada Jowhar oo markii horeba hagaagsanaa ayaa haddana howlgalkani wuxuu bulshada ku dhiirrigelinayaa in ciidamada ay kala shaqeeyaan ammaanka, maaddaama ay ciidamadu habeen iyo maalin ku suganyiihiin xaafadaha magaalada Jowhar.