Xildhibaanada Galmudug oo diyaar garow ugu jiro doorashada Gudoonka Barlamaanka Galmudug.

Xildhibaanada Cusub ee Galmudug ayaa bilaaway diyaargarowga Doorashada Gudoonka Barlamaanka Galmudug ayadoo lagu wado in ay yeeshaan kulankoodii kowaad oo ay uga arinsanayaan Doorashada Gudoonkooda.

Xildhibaanada Galmudug ayaa la dhaaray shalay galinkii danbe ayagaa dhaarinta kadib yeeshay kulan ay ku dooranayeen Gudoomiye kumeel gaar ah oo ay u doorteen ninka ugu da’da weyn xildhibaanada Galmudug.

Xildhibaanada Galmudug ayaa sidoo kale ka arinsanaya Shuruudaha iyo waxyaabaha looga baahanyahay Musharixiinta u taagan Qabashada Gudoonka Barlamaanka Galmudug , waxa ay iska soo dhax xuli doonaan Guddiga Doorashada Gudoonka Barlamaanka Galmudug.

Xildhibaanada Galmudug ayaa waxaa horyaalo shaqooyin adag iyo soo doorashada Gudoonka Baarlamaanka iyo Waliba Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug.