Taliye ku xigeenkii Nabad Sugidda ee G/Sh/Hoose oo lagu dilay Magaalada Muqdisho.

Muqdisho:-Taliye ku xigeenkii Nabad Sugidda ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa maanta lagu lagu dilay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Taliyaha waxaa Xaafadda Taleex ee degmada Hodan ku dilay kooxo ku hubeysan Bastoolado oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin maleeshiyada Al-Shabaab.

Taliye ku xigeenka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Dhaayow Cusmaan Aadan, waxaana la sheegay inuu maalmo uun joogay magaalada Muqdisho.

Dhaayow ayaa horey uga tirsanaan jiray Maxkamadihii Islaamiga ee muddo 6 bil ah maamulayey koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, wuxuuna hadda ahaa Taliye ku xigeenka hey’adda Nabad sugidda ee degmada Qoryooley.

Dhanka kale kooxihii dilka geystay ayaa la sheegay inay isaga baxsadeen goobta, waxaana daqiiqado kadib goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda kuwaas oo goobta ka sameeyey baaritaano ay ku baacsanayaan dableydii dilka geysatay.