Faarax AP oo qeyla dhaan xoogan ka soo saaray ururrada Saxaafadda & DF (La soco fadeexadda NUSOJ)

Weriyeyaasha Soomaaliyeed ee ka howlgala gudaha dalka ayaa dhibaatooyin kala duwan waxay ka heysataa sidii ay howlahooda u gudan lahaayeen, kuwaasi oo uga imaanaya qaabka ay ula dhaqmayaan ciidamada ammaanka dowladda federaalka marka ay gaaraan goobaha qaraxyadu ka dhacaan oo iyaga qudhooda ka soo gaartooyin kala duwan.

Ciidamada ammaanka Dowladda ee ku sugnaa isgoyska Sayidka oo shalay uu ka dhacay qarax lagu soo raray gaari ayaa weriyeyaal ka kala socday qeybaha warbaahinta ka howlgala dalka gudihiisa iyo dibadiisa ee halkaasi gaaray waxay u geysteen xadgudubyo kala duwan.

Weriye Faarax Cabdi Warsame oo ah sawir qaade ka tirsan wakaaladda wararka AP waxa uu ku eedeeyay ciidamadii ku sugnaa goobta uu ka dhacay qaraxa ka dhacay, isagoona sheegay in qaar ka mid ah weriyeyaashaasi loo geystay jirdil iyo handadaad.

“Saxafiyiinta waa waa awooda saddexaad ee isku tashada” ayuu yiri Faarax AP oo sheegay in iyadoo ciidamada dhibaateynayaan xilli ay iska daawanayaan saraakiil darajooyin sare ku labisan taasina ay ku timid jiritaan la’aanta dallad u dooda xuquuqdooda.

Faarax AP waxa uu sheegay in dalka ay ka jiraan ururro fara badan oo sheegta inay u doodaan xuquuqda Saxafiyiinta Soomaaliyeed, isagoona hoosta ka xariiqay in dhibaatada weriyeyaasha loo geysanayo looga bixi karo oo kaliya inay sameystaan hal dallad.

“Waxaa jira dallado iyo ururro ku qaraabta magaca saxaafadda oo qaarkood magac u yaal ah, waxaana leeyahay saxaafadey isku tashada ee sameysta dallad si toos ah wax uga qabta arrimihiina” ayuu yiri Faarax AP xilli uu u waramayay idaacad Muqdisho ku taala.

Qeyla dhaanta weriyaha ayaa ku soo beegmeysa xilli ururka ugu magaca dheer ee NUSOJ uu yeeshay laba Guddoomiye oo lagu kala magacaabo Maxamed Ibraahim Macalimuu iyo Cumar Faaruuq Xasan, isla markaana labadooda ay yihiin weriyeyaal ka howlgalay warbaahinta ka howlgasha dalka gudihiisa iyo dibaddiisa.