Magacyada Madax ku geeriyootay weerarkii isgoyska Sayidka.

Waxaa faah faahin ka soo baxaysaa khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee uu geystay qarixii Maanta barqadii ka dhacay Bar Koontorool oo ku taalla Isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho.

Dadka qaraxaas ku dhintey ayaa waxaa kamid ah Agaasimihii Maamulka & Maaliyadda ee Wasaaradda Haweenka Bile Ismaaciil Diiriye iyo Cabdirashiid Sharaar oo ka mid ahaa la-taliyeyaasha Xafiiska gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Waxaa jira mas’uuliyiin iyo dad kale oo ku dhaawacmay qaraxaas,kuwaas oo lagu daweynayo qaar kamid ah Isbitaallada Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Dheere wuxuu sheegay in qaraxa ay ku geeriyoodeen Saddex Ruux halka 6-kale ay ku dhaawacmen walow dhimashada ay intaasi ka badan tahay.