Al-Shabaab oo si buuxda u sheegatay Mas’uuliyadda qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho.

Muqdisho:-Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa waxa ay maanta ka hadleen qarxii maanta ka dhacay bar koontarool oo ku taalla afaafka hore ee Sayidka ahna meel laga ilaaliyo madaxtooyada Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi maanta ka dhacay magaalada Muqdisho .

inta badan, dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa weeraro is kugu jira qaraxyo iyo kuwo toos ahba ay horay uga gaysteen magalada Muqdisho iyo gobolada dalka qaar ka mid ah.

Dhanka kale waxaa xusid mudan in sidan oo kale Al-Shabaab ay weerar ka gaysteen isla meesha uu maanta qaraxu ka dhacay.