Wiil Magaaladda Muqdisho Loogu Dilay sabab aan waligeed kadhicin Soomaaliya

Warar dheerad ah ayaa kasoo baxaya dil xalay ka dhacay Magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Falka dilka ah ayaa ka dhacay Degmadda Kaxda ee gobolka banaadir.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal askari ka tirsan Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ayaa dilay wiil dhalinyaro ahaa, oo kubad ku ciyaarayay degmadda.

Dadka Deegaanka ayaa sheegay in wiilka loo dilay Gool uu dhaliyay waxaana arintaas ka xumaaday Wiil Ciyaartoyda kamid ahaa oo soo watay walaalkiis oo askari ahaa,waxaana lagu furey wiilka goolka dhaliyay rasaas,taasi oo keentay in isla goobta uu ku dhinto.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Abdirhman Abdulahi osman.