Guddoomiyaha Baarlamaanka oo hadiyado guddoonsiiyay Xildhibaan Maryan oo laga soo doortay Golaha deegaanka Katrineholm

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa hadiyad guddoomsiiyey Xildhibaan ka tirsan Golaha deegaanka Katrineholm ee dalka Sweden Xildhibaan Maryan Yaasiin Maaxi.

Xildhibaan Maryan Yaasiin Maaxi oo dhawaan dalka soo gaartay ayaa guddoomiyaha Golaha Shacabka waxa uu ku qaabilay xafiiskiisa, kaasi oo ay kaga wada hadleen arrimo badan oo ku saabsan xaaladda dalka, waxaana ugu dambeyn Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu Xildhibaan Maryan guddoonsiiyay hadiyado muhiim ah oo dalka ka turjumeysa.

Maalin ka hor ayay ahayd markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu xafiikiisa ku qaabilay Xildhibaan Maryan Yaasiin Maaxi oo uu guddoonsiiyay hadiyado kuwan la mid ah.