Al-shabaab oo dad Shacab ah ku dilay gobolka Hiiraan

Baladwayne;-Maleeshiyada argagaxisada Al-shabaab ayaa dad shacab ah ku toogtay deegaanka Buq-aqable ee gobolka Hiiraan.

Maleeshiyada ayaa 3 nin oo ka mid ahaa dadka shacabka ah ee ku nool deegaankaas si arxan darro ah u dilay, iyagoo ku eedeeyay in ay la shaqeeyaan dowladda federaalka Soomaaliya.

Saddexdaan ruux ee argagaxisadu ay sida xaqdarada ah ku dishay ayay dadka deegaanka noo xaqiijiyeen in ay ka mid ahaayeen dadka xoola dhaqatada ah ee ku nool deegaankaas,iyagoo sheegay in Al-shabaab ay dhibaato xooggan ku haayaan dadka rayidka ah.

Argagaxisada Al-shabaab ayaa caadaystay daadinta dhiigga dadka maatada ah ee ku nool deegaanada ay ku suganyihiin,taas oo cadayn u ah dhagarta maleeshiyadu ay ku hayso shacabka Soomaaliyeed.