Odayaashii Reer Xamar weyne ee Xaajada galay, Jawaabtoodii ha i weeydiin=Nasashada Jimcaha. Q-181aad=

1-Qoraagii weeynaa Mr.Bernardo show ee Irish-ka ahaa, ayaa Xaflad Madaxeed Sare kula kulmay Haweeney aad u qurxan, waxa uuna ku yiri: Ka waran Haddii aad Hal habeen ila joogto oo aan ku siiyo, 1 Million Dollar. Iyada oo dhoola cadeeynee oo faraxsan ayeey ku tiri: Waa arrin wanaagsan waana aqbal.

Waxa uu ku yiri: Ka waran haddii Qiimaha aad Caawa igula seexanee aad wax ka dhinto oo aan ka dhigno 10 Dollar. Iyada oo careeysan ayeey ku tiri: Waryaa, maxaad ii maleeysay in aan ahay?. waxa uu ku yiri: waxa aad tahay la iskuma heysto,
murana kama taagno ee aan ka hadalno qiimaha. ( F.S: 1aad)

( Nin Masuul ah oo Soomaliya ayaa lagu yiri: Arrinta Shidaalka iyo Badda naga dhameey waxaan ku siineeynaa, 26 Million Dollar. Waxa uu yiri: Ogol waa heshiis Akhyaareed. Waxaa lagu yiri: Sicirka wax naga dhin, waxaan ku siineeynaa 500 Dollar. Isaga oo careeysan ayuu ku yiri: war maxaad ii maleeyseen. Waxaa lagu yiri: waxa aad tahay waan naqaan ee aan ka hadalno qiimaha.,,,,,,, Maxaa loo qariyay “ ………damiir laawe aa” )

2-Nin wasiir ahaa ayaa waxa haleelay Qarax lala beegsaday Hoteelkii uu degenaa, Isbitaalka ayaa la geeyay markii uu soo miirsaday , ayaa Dhakhtarkii ku yiri: waxaan kuu hayaa khabar Farxad leh iyo mid Naxtin leh, keen kuu hor sheegaa? Waxa uu yiri: kan Naxtinta leh ii hor mari.

Dhakhtarkii ayaa yiri: Md. Wasiir Labadaada Gacmood waxaa gaaray dhaawac culus, waana in la jaro. Waxa uu yiri: kan Farxadda lenha ii sheeg. Dhakhtarkii ayaa ku yiri: Saacadaada iyo Labadaada Faraanti ee wada Dahabka ahaa, waxaan u heeynaa Qof kaa iibsanayo, ileeyn Adiga Anfac dambe kuuma lehe.( F.S: 2 & 3aad)

(Yaa yaa, wasiirku Tuug aan ahay nama dhihine, Labada gacmood ee burbursan in laga jaro, shareecadu maxey ka qabtaa ……)

3-Haweeneey ayaa mid kale oo Deriskeeda ah la murmeeysay. Kuna tiri: Na miyaad iloowday in aan kugu leeyahay 50 Dollar. Tii kale ayaa ku tiri: Naa hoogto, ma Adigaaba i siiyay Fursad aan ku Hilmaamo. ( F.S: 4aad)

(Asgari ayaa kii Gurigiisa uu kirada ugu jiray, maalin kasta ku yiraa, war miyaadan soo qaadan 100 Dollar ee Mushaarka, mise Kiradii aan kugu lahaa ayaad hilmaantay?. Asgarigii ayaa yiri: Ma Adigaaba i siiyay Fursad aan ku hilmaamo Saacad kasta ayaad i soo wacdaa,Taleefonkeeyga ayaadba i nacsiisay)

4-Ciyaalka Xaafadda Xamarweyne oo waraf ku ciyaarayo ayaa waxaa u yimid, Mooryaan Reer koraad ah. waxa ey ku yiraahdeen: Dagaalka ma idiin qurxinaa?. Ciyaalkii ayaa ku yiri: Haa. Labadii kooxood min 2 AK-47 Qoriga ah, ayeey u dhiibeen. Ciyaartii Labaddii Kooxood ee Reer Xamarweyne, waxa ey ku dhamaatay Ciyaalkii oo kala cararay, 6 dhimashaa, 2 dhaawac ah iyo qiimihii Rasaasta iyo kiradii Qoryaha oo lagu soo dalacay. ( F.S: 5aad)

( Odayaashii Reer Xamar weyne ee Xaajada galay, Jawaabtoodii ha i weeydiin)

5-Islaan Janaasad Ninkeeda Daba socotay oo ku Cataabeeysay “Alla Hoogayeey ,Ba’ayeey, Ma Cabdi Nuur ayaa Galabta la aasayaa, haleeyla aaso”. Ayaa Nin Meydka wax ka waday u soo dhawaaday oo si hoose u yiri: Haddan aqaani lahaa halka aad degentahay, Anigaa Cabdi Nuur ku hilmaansii lahaa.

Islaantii, Ninkii ayeey si quman u fiirisay, kadibna iyada oo Calaancalkeedii iyo Ooyinteedii sii wadato ayeey tiri: Alla Aduunyo Joogid male, Dalcadda Boondheere, Dhinaca Shanta Geed, wadada Nasiib buundo, Dukaanka Xalwada, ma odaygii deriska la ahaa ayaa Galabta la aasay!!!! ,Alla, Annigaa iska hoogay. ( F.S: 6aad)

( Calaancalka siyaasiyiintana, Baaqa ku jiro , ma iska fiirisay)

6-Islaan Garoob ah oo 50 jir ah, laakin 30 jir isku dhiibtay London oo Xanuunkeeda la garan waayay ayaa Wiilkeedii Isbitaal u waday. Baaritaan kadib, Dhakhtarkii ayaa Islaantii Banaanka u saaray. Wiilkii ayuuna ku yiri: Hooyadaa Cudurka hayo waa wehel la’aan, waxa ey u baahan tahay oday 50 jir ah oo guriga la joogo.

Markii wiilkii soo baxay, ayaa hooyadii oo Daaqada ka dhageeysaneeysay hadalka dhakhtarku, waxa ey ku tiri: Duceeysane, hadaad weeydo Oday 50 jir ah, iigu Bedel Laba wiil oo min 25 jir ah. ( F.S: 7aad)

( Waalidka ha loo naxariisto, Ar single mother-ta Londonaa!!!!…..Ma ogi, Ma Ogi, Raali ahaada)

Qore: Yahya Amir