Kenya oo ka hadashay weerar Al-Shabaab ay ku qaadeen Bas maraayay Deegaanka Laamu.

Milatariga dalka Kenya ayaa sheegaya iney dileen afar nin oo la aaminsan yahay iney ka dambeeyeen weerarkii khamiistii lagu qaaday bas mararay meel u dhow magaalo xeebeedka Lamu waxaana halkaasi lagu dilay 3 qof halka dhawr kalana uu dhaawac ka soo gaaray ka dib markii dabley hubeysan ay raasaas oodda uga qaaden baska.

Maleeshiyadaa ayaa looga shakisan yahay inay weeraka soo qaadeen ayaa waxaa la dilay saacada un kadib markii dabley aad u hubeysan ay weerar ku qaadeen gaari bas ah, kaasi oo ka dhacay magaalo-xeebeedka Lamu ee dalka Kenya.

Booliska ayaa sidoo kale gacanta ku haya nin la qabtay xilliga hawl galka oo looga shakinsan yahay inuu ka mid ahaa dableydaasi.

Xilligi uu weerarka dhacayay waxaa la sheegay in dhawr qof oo ka tirsanaa rakaabkii saarnaa baska ay u carareen keyn halkaasi u dhaweyd oo inta badan sida la sheegey ay ku dhuumaaleystan dagaalamyaasha ururka Al-shabaab.

Al-shabab ayaa sheegtay in ay ka dambeysay weerarkaas lagu qaaday Basas marayay deegaanka xeebta ah ee Laamuu halkaas oo ay tilmaameen in ay ku dileen ku dhawaad 4-qof oo Kirishtaan ah kadib markii sida ay sheegeen ay kala sooceen dadka saarnaa Basaska.

Dalkani Kenya ayaa heegan sare ku jiray xilliyadii ciidda masiixiga ee Kirismaska iyo dabaaldegga sannadka cusub, kadib warbixino ay soo saareen sirdoonka kuwaasi oo tibaaxayay in Al-Shabab ay qaadi karaan weeraro.