Dowladda FS oo wada dadaal wax looga qabanaayo wax ka qabashada sugida amaanka Muqdisho.

Hay’adaha ammaanka ee Dowladda Soomaaliya ayaa wada qorshe cusub oo lagu sugayo ammaanka magaalada Muqdisho ka dib qaraxii 28-kii bishan ka dhacay Ex-control Afgooye ee magaalada Muqdisho,kaas oo sabababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac fara badan.

Shir xalay ay isugu yimaadaan Hay’adaha amniga Dowladda ayaa lagu gorfeeyay xaaladda amni ee dalka gaar ahaan sugida amniga caasimadda Soomaaliya ka hor doorashooyinka soo socda.

Xarunta ciidanka Booliska ee Kumaando Polizio ayuu ka dhacay Shirkaasi,iyadoo xoogga lagu saaray in il gaar ah lagu eego xaqiijinta amniga caasimadda oo maalmo ka hor uu gil gilay Qarax Xooggan oo mas’uuliyadiisa ay sheegteen ururka Al-Shabaab.

Warar aan heleyno ayaa sheegaya in Hay’adaha amniga ay isku afgarteen in amniga Muqdisho kor loo qaado,islamarkaana la dhiira geliyo ciidamada kala duwan ee sugaya amniga caasimadda,kuwaas oo habeen iyo maalin u soo jeeda.

Dhanka kale Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ahmiyadda koowaad siineysa iney sugto amniga dalka ka hor inta aan la gaarin doorashooyinka soo socda ee dalka ka dhacaya.