Wasiir Maareeye oo Magacaabis uu sameeyay laga hor yimid.

Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha rayidka ee dowladda ayaa dib ugu celiyey Wasiirka Wasaaradda Warfafainta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Agaasimayaal uu Magacaabey.

Wasiirka ayaa horey xilka uga qaaday lix agaasime, waxaana warqad ka soo baxday Guddiga ay ku sheegeen in Guddiga dallaacada ee Wasaaradda aanay u dhameyn tirada (kooramka), go’aan ka qaadan kartay sida uu qabo sharciga Shaqaalaha.