Warbixin Xasaasi ah: Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo Digniin U Diray Wasiir Isloow iyo Fahad Yaasiin

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa uga digay Wasaaradda amniga Xukuumadda Soomaaliya iyo laamaha kale ee amniga iney ka fogaadaan baahinta wararka marin habaabin ah iyo abuurista cadow aan jirin oo lagu hurudsiiyo Qaranka.

Sidoo kale, Madasha ayaa ku eedeysay Dowladda Federaalka inaan la heyn isla xisaabtan oo ku aadan Hay’adaha shaqeeya oo lagula xisaabtamo shaqada ay hayaana ama dhibaato weyn oo dhacda oo u baahan isla Xisaabtan siyaasadeed iyo mid farsamo.

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa muujisay “inay tahay niyadxumi iyo sharci-darro akhbaarta aan dhameystirneyn ee NISA ee looga dan leeyahay in mas’uuliyadda weerarka looga qaado kuwii weerarka gaystay ee sida cad u sheegtay.”

Madasha Xisbiyada Qaran oo ah Xisbiyo midoobay ayaa culeys siyaasadeed iyo cadaadis ku haya Dowladda Federaalka,waxayna si joogta u soo saaraan warsaxaafadeed ka dhan ah Dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo.

Dhinaca kale,madasha Xisbiyada Qaran ayaa ka cabanaya ineysan Dowladda dhageysan fariimaha wax toosinta ku saleysan ee ay u jeedinayaan.

Madasha Xisbiyada Qaran ee Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay uga hadashay qoraalkii ay NISA soo dhigtay barta twitter-ka 30-kii December, kaasi oo lagu sheegay in dal shisheeye “uu lahaa qorshaha” weerarkii Ex-Control Afgooye.

War-saxaafadeedka Madasha ayaa lagu sheegay inay ka xun tahay qoraalka NISA, oo ay ku sheegtay in ujeedkiisu ahaa “in lagu daboolo xaqiiqda weerarka.”

Madasha ayaa sheegtay in qoraalkii NISA laga lahaa laba ujeedo oo kala ah:

1 – Tan koowaad, in lagu farxad geliyo dhinacyo shisheeye oo ku lug leh loolanka juqraafi siyaasadeed ee ka socda Soomaaliya. Madasha ma aysan magacaabin dhinacyadaas.