Kenya Caruurteeda ha Edebto: Somaliya hala kala qeybiyo aa !!!.

Prof. Makau Mutua, isaga oo isku sheegayo in uu yahay Nin Aqoon leh, weliba Sharciga ku bartay Jaamacada Harvard -School of Law, Hormuud ka noqday Jaamacad Buffalo ku taal.

Makau, waxa uu ceebeeyay Sumcadda Jaamacdahaa & Aqoon yahaynka Africa. Markii uu talo ku soo jeediyay in Somalia la kala Qeeybiyo oo lagu kala Daro wadamada deriska ah.

( waxbaa kaa khaldan ee ma waxaad ka waday, Deriska hala kala Qeeybiyo ee Somalia ha lagu daro, qeybaha Somaliya ka maqan, Somaliya ha lagu Daro, waa dalkoodii asalka ayaaye).

Haddii aragti xumidaa ey kuu geeysay aqoon yaridaada Arrimaha Somalia, ama Colaadaha ka dhacayo. ogow 92% wadamada Aduunka in Hadda dagaalo ey ka socdaan, in 30 sanno dagaalo ka badan ey soo mareen Wadamada Afrika qaar.

Haddii wadan la kala qeybinayo Kenya ayaa nooga dhaw taa, Dad kala Diin ah, kala Luqado ah, kala Jinsi ah oo weliba is diidan ayaa ku nool kenya.

NFD waa Somali jinsi ahaan , Somali Galbeed, Jabuuti & Jamhuuriyaddu waa hal Jinsi oo aan is moogeeyn.

Prof.Makua, waan ku ogahay, waxaa kugu khaldamay World Bank markii ey kaa dhigteen la Taliye Dowlad wanaag iyo Xuquuqul insaan, waxaa kugu khaldamay madaxweyne Kibaki markii uu kugu Daray Gudigii Truth, Justice & Reconciliation Commission. waxaa kugu khaldamay Mr.Obama markii uu Recommendation hoose uu kuu sameeyay in IDLO -Rome shaqo lagaa Siiyo.

Somaliya kala go’i meeyso, lamana kala Gooy karo ee Cadaanka aad la joogtay beryahaan ee ku yiri: waxaad tahay Kenya /American yeeyna been kuu sheegin, deriska Afrikana dhaxdooda Collaad ha dhigin.

ogoow, waxaan ahay Somali Dalkiisa jecel, Dhib kasta oo i heeysto Aniguu ii gaar yahay. Haddii, wax la kala Qeeybinaa, Labada Dal ee aad sheeganee hala kala qeeybiyo Americaa weyn oo qeybsami karto, Kenya kala Nuuc ah oo la isku kab kabay.

Derisku isma diidano ee Dawlado kale yeynan kugu daneeysan.

somaliya guul & midnimo dhaw ka sug.Aamiin, Aamiin.

kenyana ha edebto, ilmaheeda la soo adeegsaday ee ku hadaaqayo Dalkeeyga dibindaabyadiisa.

Qore :Yahya Amir