DIbad bax ka dhacay Ex-kontorool Afgooye iyo Cabasho ay soo gudbiyeen Dadka Deegaankaasi.

Banaanbax ay dhigayaan dad shacab ah oo careysan ayaa maanta wuxuu ka dhacay Isgoyska Ex-Kontorool Afgooye ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo maalmo ka hor ka dhacay Qarax ay dad badan ku dhinteen , halka kuwa kalana ay ku dhaawacmeen.

Dadka Dhigaya ayaa ka cabanaya guriyo ay sheegeen inuu ku baaba’ay qaraxii Ex-kontorool, haatan xoog looga qaatay, islamarkaana halkaasi ay jiingado ku wareejiyeen ciidamada dowladda.

Banaanbaxayaasha ayaa xiray goobta uu dibad baxa ka dhacay, mana jiro wax gaadiid ah oo isticmaalaya wadadaasi, sida ay sheegeen dadka dhigayay banaanbaxaas.

Qarax ka dhacay Sabtigii la soo dhaafay isgoyska Ex-kontorool Afgooye ayaa waxaa uu ku dhintay in ka badan 100 qof, halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen, waxaana xusid mudan in goobo ganacsi ay halkaasi ku burbureen.