Wasaaradda Kalluumeysiga oo ka hadashay hadal ka soo yeeray Wasiir Maareeye

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Somaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in baddeena la sumeeyay, isaga oo sabab uga dhigay malaay badan uu ku soo arkay Xeebta, ayaa arrintaasi waxaa ka hadashay Wasaaradda Kalluumeysiga Xukuumadda Federalka Somaliya.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Kallumeysiga Maxamuud Sheekh Cabdullahi oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in kalluunkaas uu ku soo caariyay xeebta u dhaw xeradda Xalane, isla markaana aysan jirin meel kale oo lagu arkay.

Wuxuu sheegay sababta kalluunkaasi u soo caariyay inay ku sameynayaan Baaritaan, balse nooca kalluunka soo caariyay inuu yahay mid kalluumeysatada ay ku soo dabtaan kaluunka kale.

Kalluunkaas oo aad u badnaa ayaa subaxii hore ee shalay lagu arkay xeebta wuxuuna sheegay Agaasimuhu inuu yahay hal nuuc oo yar-yar laguna magacaabo Ceydi, kaas oo kalluumeysatadu ay ku dabtaan kalluunka kale ee waaweyn oo uu sheegay inuu cuno.

Agaasimaha ayaa sheegay inay Wasaaradda Kalluumaysigu waddo baaritaan ku aaddan waxa sababay in kalluun intaas la’eg uu bannaanka u soo baxo.

Dhanka kale Magaalada Muqdisho ayaa shalay waxaa si wayn looga hadal haayay arrinta la xiriirta Kalluunka lagu arkay xeebta isaga oo dhintay, taasi oo dadka shaki ay ka muujiyeen.