Taliyihii Xabsiga Dhexe Oo Xilka Laga Qaaday Iyo Mid Cusub Oo La Magacaabay.

Jeneraal Maxamed Sheekh Cumar Xirsiile oo ahaa Taliyihii Xabsiga Dhexe ee Magaalada Muqdisho oo dhawaan shaqo joojin lagu sameeyay ayaa si rasmi ah xilkii looga qaaday, iyadoo Taliye Cusub loo magacaabay Xabsiga Dhexe.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Gen.Mahad C/Raxmaan Aadan ayaa waxaa la sheegay in Taliyihii Xabsiga Dhexe ee Jeneraal Xirsiile uu shaqada dib ugu soo celiyay, kadib markii horey shaqada looga joojiyay.

Dowladda ayaa sheegtay inay ka hor tegtay tallaabada shaqada loogu soo celiyay Taliyihii Xabsiga Dhexe, iyadoo ugu dambeyntii xilka qaadis lagu sameeyay.

G/Sare Aadan Xuseen Kulmiye ayaa loo magacaabay inuu noqdo Taliyaha Cusub ee Xabsiga Dhexe ee Xamar, isagoo bedelaya Jeneraal Maxamed Sheekh Cumar Xirsiile.

Dhanka kale Jeneraal Xirsiile ayaa horey loogu Eedeeyay inuu Isbitaalka ku yaalla Muqdisho kala soo baxay bukaan Xabsiga Dhexe ku xanuunsaday oo ay dhakhaatiirta Xabsiga sheegeen inaan wax looga qaban karin isbitaalka ku yaal gudaha xabsiga.