Sannad Cusub aa, shib shib !!!

Xalay Salaadda Ceshe markaan tukaday kadib ayaan seexday Waxaan u soo Toosay Salaada Subax Kidibna Qur`aan akhris ayaan bilaabay.

kadibna waxaan fiiriyay Akhbaarta Caalamka waxaan ku arkay Hambalyo Sannad wanaagsan.
Goormuu Bilaawaday Sannadku? ma intaan hurdayay? ma leeysku gaadayay Sannadka?

Website yada Caalamka.

Websites-yada Caalamka ayaa qoraya in Caawa odayaal badani ey isagu hambalyeeynayeen Sannadka cusub iyaga oo leh” Somalia waxaan ka xadnay 100% kheyraadkeedii, kadibna Faa`iidadii hantidoodii 1% ayaan u soo Celinay iyo Somaalidii oo leh waa mucaawino dibadeed oo walaalaheen noo keeneen, Hanti iyo Hogaanba Somalia Annaga ayeey na hoos tagtaa, gacanteeyna ayeey ku jirtaa . (F.S:1aad)

In aad Sab dhaban tahay, waxa lagu Farxay ee Adiguna aad dhinacaaga uga dabaaldagee ma ahan Sannadka cusub ee waa sida laguu siray.

Xamarna, Xalay Xalane iyo Xaafada kale lagama seexan ,xaflada Sannadka ayaa la ii sheegay.

Website – Gudaha.

1- Laacibkii hore ee u ciyaari jiray kooxda, Ahlu suuna, Markii dambena ku biiray kooxda Al- Islaax, ayaa hadda kooxda Ictisaam waxaa ey ku doonayaan Aduun Lacageed oo dhan dhowr Milyan.

2-Saddax Maxbuus ayaa ka shubtay Xabsiga dhexe, waa shubeen, shub shub.

3- walaal Muwaadin, Haddaad qarax ku dhimato, Alla ha kuu naxariisto laakin, Dadka ha u sheegin in aad dhimatay.

4-Dhaawaca la qaaday nasiib ayeey u tahay, ha soo noqona ee sii tahriiba.

5-Doorasho Qof iyo Qoray ah ayaan sugeeynayaa 2021.

6- Ciidamo is Aqoonsaday ayaa isku khaldamay kadibna isku rasaareeyay Dhuusamareeb.

7-Shuhadada Anigaa u sagootiyay gurigoodii Aakhiro. Maya, ii Siyaasadeey Qaraxa, waddamo shisheeye ayaa ka dambeeyay dheh.

8-Sida wadaadku sheegay, Sannad Arbaco bilaawday, Arbaco burisaa la yiraa, ee maalinta Arbaco Arbacaaleey noogu bedela maalin kale.

Saxaafadu yeeynan igu wareerin, Sannad cusub oo xalay intaan hurdayay leygu gaaday .Saxaafada Somaliduna sida wax u jiraan hanoo sheegeen ama ha shubeen ,shub shub.

Qore :Yahya Amir