Dagaal la isku adeegsaday Madaafiic oo ka dhacay Gobolka Sh/Hoose oo sababay khasaare soo gaaray Dad Shacab ah.

Wararka Magaalada Marka ee Gobolka Sh/Hoose laga helaayo ayaa sheegaya in xalay halkaas uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM iyo Al-Shabaab.

Dagaalkan ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka AMISOM ay ku leeyihiin deegaan lagu magacaabo Buufow oo hoostaga Marka,waxaana intaas kadib halkaas ka dhacay dagaal kooban.

Dadka Deegaanka ayaa Saxaafadda u sheegay in Ciidanka AMISOM ay dagaalka kadib madaafiic badan ay ku gaareen deegaano hoostaga Magaalada Marka, isla markaana uu ka dhashay Khasaaro.

Madaafiicda AMISOM ay rideen ayaa waxaa ku dhawaacmay ilaa 5 ruux oo dad shacab ah,waxaana dadka qaarkood soo gaaray dhaawacyo Culus.

Dhankakale ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose oo ay uga hadlayaan dadkii shacabka ahaa ee xalay waxyeelada kasoo gaartay Madaafiic ay rideen Ciidanka AMISOM ee halkaas ku sugan.